Musharax Cumar Salaad Cilmi Oo ugu dambeeyay dhageysiga waxqabadka ay qabandoonaan hadii la doorto Musharaxiin toban yihiin oo maanta soo bandhigayay ayaa waxaa uu ka codsaday xildhibaanada Baarlamanka in ay doortaan .

Musharaxa ayaa waxaa uu ku dheeraaday waxqabad abalaaran oo u horay u qabtay xiliyadii dowladii hore ee alaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Ugu dambeyntii Waxaa kulanka soo xiray Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mr Jawaari waxaana uu sheegay in uu xiranyahay kulanka maanta 10nka musharax ay ku soo badhigayeen waxqabadkooda ololaha doorashada.

Waxaa loo wada balay kulan kale oo kan oo kale ah kaasi oo musharaxiin ka badan 15 ay ku soo bandhigayaan siyaasadahooda hadii la doorto.