Musharax Barshiir Nuur Xasan (Bidaar) oo isna halkaasi ka gudbisaday hadalkiisa

Musharax barshiir Nuur Xasan (Bidaar) ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana uu ahaa musharaxa 17aad ee ka soo gudbiya baarlamanka hortooda taariikhnololeedkiisa iyo siyaasadiisa hadii loo doorto Madaxweyne nimada Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono arimo farabadan hadii loo doorto Madaxweyne nimada Soomaaliya, siiba arimaha Dowlad wanaaga, iyo ka shaqeynta Maamulida Ciidanka Qalabka sida isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida uu gaarsiindoono Heerkii ugu sareeyay

Musharaxu waxa uu sidoo kale halkaasi ka balanqaaday in uu dib ugu soo celindoono caruurtiisa gudaha dalka ayna wax la bartaan caruurta Soomaaliyeed ee dalka ku dhaqan .

Waxaana uu ku soo gunaanaday Hadalkiisi in xildhibaanada baarlamanka looga baahanyahay in aysan sameyn wax eex ah ayna doortaan ninka ay isleeyihiin waxbadan ayuu qabankaraa maadaama ay dhageysteen barnaamijyadooda siyaasadeed.

Daalacatey :1145

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print