Murankii Xubnaha Baarlamaanka oo dib loo dhigay iyo doorashada gudoomiye baarlaman oo beri dhaceysa

Ku simaha gudoomiyaha Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in dib loo dhigay arintii muranka dhalisay ee ku aadaneyd xubnihii ay dib u celiyeen gudiga Farsamada Baarlamanka.

Waxa uu gudoomiyaha sheegay in arintaasi ay ka kulmeen masuuliyiinta sar sare ayna isla garteen in dib loo dhigo arintan iyada ah haatana la qaboojiyay.

Waxa uu Muuse Xasan Cabdulle sidoo kale sheegay in arinta xubnahani dib loogu dhigay marka ay dhacdo doorashada gudoomiyaha Baarlamanka cusub kaas oo la horgeyn doono markaasna go’aan laga qaadanayo.

Maalinta Berito ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah u dhacdo doorashada gudoomiyaha Baarlamanka cusub sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamanku hada leeyahay.

 

Daalacatey :596

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print