Hay’adda NISA ayaa Saaka 3 Wariye ka xirtay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, Wariyayaasha ayaa hadda Xooriyaddoodii helay waxaanna Ay sheegeen in bartilmaameed kale lagu qalday islamarkaana sidaa lagu sii daayay.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa Dhowr jeer si aan ka fiirsi lahayn u xir xirtay Wariyayaasha ka howl gala Muqdisho iyada oo aan loo sheegin sababta loo xiray ayaana la sii daayay taas oo xad gudub ku ah Xorriyadda hadalka.

Xeerka Saxaafadda ayeysan Wali ansixin Golaha Baarlamaanka isaga qudhiisa ayeyna Warbaahinta Madaxa banaan ka walaacsan tahay in la ansixiyo Maaddaama ay ku jiraan Qodobbo hor  aanay raalli ka ahayn warbaahinta madaxa baannaan Ee Somaliya.