Iyadoo howlgal xalay biloowday oo soo gaaray saaka aroortii laga sameeyay Degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Warta Nabadda ayaa howlgalkaasi Wasaarada Amniga waxa ay sheegtay in lagu soo qab-qabtay dad badan.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen dad gaaraya 473 ruux.

Wuxuu sheegay in dadkaasi lagu sameeyay kala saarid, lana sii daayay dadka oo dhan marka laga reebo lix ruux oo ciidamada ay ka shakiyeen.

“Sida aad u jeedaan howlgalkan waxaa iska kaashanayay, ciidamada Booliska, Nabadsugidda, Militeriga iyo kuwa Amisom, waa howlgal loo dhan yahay, waxaana uu yahay mid lagu xaqiijinayo Nabadgelyada caasimadda, baaritaannada intii ay socdeen 473 qof ayaa lagu soo qabtay, markii dadka la kala saaaray, waxaa soo hartay lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Shabaab ciidamada ayaana gacanta ku haya.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Maxamed Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan oo amniga lagu xaqiijinaayo, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan dulqaad ku aadan howlgalka inta uu socdo.

Hoos ka dhageyso warbixin: