Xaflad balaaran ayaa ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee magaalada Boosaaso, taasi oo lagu xusayay 52guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada Koonfureed ay ka xorooween gumeystihii talyaaniga ayna midoobeen gobolada dalka.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socota xukuumada Puntland qeybaha bulshada, iyo Fanaaniinta xidigaha gobolka Bari.

Waxaa halkaasi hadalo khiimo badan oo ku aadan maalintan ka soo jeediyay dhamaan masuuliyiintii halkaasi isugu timid oo kala ahaa wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed raage, wasiir ku xigeenka Amniga Puntland C/saaq Xareed, wasiir ku xigeenka Kaluumeysiga Maxamuud C/aajhi Saalax, Gudoomiyaha Gobolka Barui C/samad Maxamed Galan, Taliyaha Qeybta Police-ka Gobolka Bari Cismaan Afdalow, Kusimaha Duqa Degmada Boosaaso Siciid C/raxmaan, Xubno ka tirsan golaha Deegaanka Boosaaso, iyo Ururada Haweenka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso.

Sidoo kale Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Suugaan ka turjumeysa Maalinta Xoriyada Umada Soomaaliyaad taasi oo ay soo bandhigayeen Fanaaniinta Gobolka Bari iyo qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada Boosaaso oo iyagu si gaar ah isu soo abaabulay waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka iyo astaanta Calanka Soomaaliyeed.

Sawiro










Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso