Xaflad balaaran oo lagu xusayey munaasbada 1-da Luulyo oo ah maalinta xoriyada Soomaaliya ee ay israaceen gobolada Waqooyi & Koonfur isla markaana aheyed maalintii ay xorinamdeeda qaateen qaateen gobollada Koofureed ayaa  waxaa ay ka dhacday magaalada Rotterdam ee dalka Nederland.

Munaasabadaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururadda kala ah karti, Hirda, Dalmar, Fsan, SSC iyo Ururka Aasiya.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin Ay ka mid Ahaayeen Taliyaha marinska Dalka Nederland Ee La Dagaalanka Burcad Badeeda Xeebaha Somaliya Richard Kenlen.

Masuul ka Socday Wasaarada Arimaha Dibadda Ee Dalka Nederland  oo Lagu Magcaabo Mr.Fransco Masini.

Ugu Horayntii  ayaa munaasabada waxaa ka hadlay Mudane Maxamed Yusuf Indha-sheel Islama markaasna ku hadlayyay magaca ururadda Soo Abaabulay Xafladaan , waxa uuna sheegay in maanta ay tahay maalin wayn.

Sidoo kale waxa uusheegay  in loobaahanyahay in laga wada shaqeeyo xoriyada waxa uuna tilmaamay hadii dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku duuban in hormar la gaari karo.

 Intii ay socotay munaasabadaan ayaa qaar ka mid ah  Haweenkii Kasoo Qeyb Galay Xaflada  waxa ay soo bandhigeen majaajilooyin ay ku cabirayeen xaalada uu iminka marayo dalka.

Sidoo kale dhalinyarada ayaa qaadayay heeso wadani ah oo ku aadan amaba cabiraya munaasabada 1 luulyo oo maanta ku beegneed 51 sano guuradii ka soo wareegatay markii ay xoriyada qaateen gobalada Koofureed ee Soomaaliya.

 Ugu danbayntii ayaa munaasabadaan waxaa laga qaaday heesta caanka ah ee ah astaanka dalka ee Ah( somaaliyeey tooso toos isku tiirsada ay Hadba Kiina Taag Daranay Taageera Weligiinay), waxaana wada qaadayay qaar ka mid ah Kooxda Fanka iyo Suugaanta Ee S.S.C  iyadoona dadka dhan ay markaasi wada istaageen.

DAAWO SAWIRADA

Abdullahi M. Yusuf (Sayidka)
SBCLIVE.COM
Delft-Holland