Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana ka dhacday gudaha Magaalada Boosaso ayaa waxaa loogaga dhawaaqay urur cusub oo ka mid noqonaya ururada siyaasadeed ee nidaamka Axsaabta badan ee Puntland.

Waxaa ka soo qeyb galay xaflada  ku dhawaaqista ururkaasi Masuuliyiin, Culimo, siyaasiyiin iyo weliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ururka cusub ee lagu dhawaaqay ayaa loogu magacdaray Midnimo waxaana qudbado faah faahin ah halkaasi kajeediyay Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee ururkaasi Dr Saadaq Eenoow waxaana uu ka faalooday ujeedooyinka ururkan iyo weliba wxyaabaha u qorsheysan

Dr Eenow ayaa intaasi ku darya in ururkiisu yahay urur mucaarad ah qeybna ka ah ururada siyaasadeed ee nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ka tirsan .

Waxa iyana halkaasi hadalo khiimo badan ka soo jeediyay Culimaa udiinkii ku sugnaa xaflada iyagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan ururka Midnimo kuna boorinayaan in uu ku shaqeeyo waxyaabaha shaciga islaamku qabo, noqdana mid horseeda midnimo sida magaciisa ka muuqata.

Siyaasiyiintii ku sugnaa goobta xaflada waxa ka mid ahaa siyaasi Cali Cabdi Awaare  oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Puntland, waxaana uu halkaasi ka jeediyay hadalo aad u khiimo badan kuwaas oo ku aadanaa soo dhaweynta ururkan cusub.

Waxa uu tilmaamay Siyaasigu in loo baahanyahay ururada isa soo taagay una tartamaya codka shacabka reer Puntland, isaguna uu siweyn u soo dhaweynayo.

Sikastaba ha ahaatee ururka Midnimo ee lagu dhawaaqay waxa uu kamid noqonayaa ururo 4 ah oo horay u shaaciyay in ay in ay ka mid yihiin ururad asiyaasadeed ee Nidaamka Axsaabta badan Puntland, waxaana uu ku noqonayaa ururkii 5naad ee lagu dhawaaqo .

Sawiro




SBC International Boosaaso