Munaasabad lagu Caleema Saarayay Saldanad cusub oo ka dhacday Bosaso+sawiro

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ahayd mid lagu Caleemo saarayay Suldaan Maxamud Xasan Cumar oo ahad loo caleema saaray Suldaanka Beesha Biciidyahan Cali ee Cali Saleebaan .waxaana ay ka dhacday Hotelka Baanaraam ee Gudah Magaalada Boosaaso.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Dad ka badan ilaa 1000.kun oo qof oo isgu jirah Isimo ,Culumo,Wax garad .Madax,Dhalinyaro ,Ciidamada Amniga iyo qaybah Kale duwan ee bulshada .iyadoo ugu horaytii munaasabadaa lagu furay aayadah Quraanka Kariimka ah oo uu halkaa ka akhriyay Sh.Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur oo isagu in badan ku dheeraday sida uu Ilaahay u Faryo inay Dadku Midoobaan isagoo sheegay in Ilaahay Dadka uu ka dhigay Qaba.il isagoougu talaga galay in qaarabada la xiririyo waxaana uu ku soo koobay inuu aad ugu faraxsan yahay in Maxamud Xasan Cumar oo uu sheegay inuu yahay Nin aad u qadarin badan taasna ay tahay sida uu ilahay u solan siiyay Beeshiisa waxaana uu sheegay in Suldaan Ciise Xasan Cumar oo uu sheegay inuu ahaa Nin ay dadku Jaclaayen Ilaahay ha U naxariistee

Sidoo kale waxaa Halkaa ka hadlay Nabdoonka Guud ee Beesha Bicidyahan Cali oo isagu sheegay in wax lagu farxo tahay munaasabada Khalqiga intaa leeg ay ka soo qayb galeen isagoo sheegay in Beesha ay raali uga tahay Suladaan Maxamud Xasan Cumar in uu Xilkaa aadka u wayn u qabto Beesha isagoo ilaahay uga baryay inuu la garab galo dadkii munaasabada ka soo qayb galayna ka codsaday in lala shaqeeyo si uu hawshiisa u guto

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay oo ma karoofanka lagu soo dhaweeyay Mahad Siciid Samatar oo ka mid ahaa Cuqaasha Beesha Bicidyahan Cali Saleebaan waxaana uu isaguna mahad balaaran u jeediyay dhamaan ka soo qayb galayaashii munaasabadaas isagoo sheegay inay si aad ah ula shaqayn doonaan Suldaanka Maantay la Caleema saara

Iyadoo ay aad u badnaayen Wax garadkii halkaa ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Caaqil Aadan Cabdirixmaan Cilmi oo isagu soo dhaweeyay Suldaan Maxamud Xasan Cumar isagoo ilaahay uga baryay inuu La garab qabto isla markana mahad balaaran u jeediyay dhamaan ka soo qayb galayaashii munaasabada aIlahyna Jano inuu ka waraabiyo ugu baryay Suldaan kii Dhintey oo ahaa Suldaankii hayay Xilkan

waxaa kaloo halkaa ka hadlay kana mid aha ka soo qayb galayaashii munaasabadaas Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo isagu ugu haraytii salaan balaaran u jeedyay dhamaan ka soo qayb galaayaashii munaasabdaas isgaoo sheegay in Suldaan Ciise Xasan Cumar in uu is aad ah u yaqaanay isagoo sheegay inuu ahaa in Ehlul Diin ah isaga iyo Walalkiis Maxamud oo isagu maantay loo Caleemo Saaray Xilka Suldaanimda isagoo sheegay in uu Suldaankii Dhintay uu wax badan ka soo qabtay wax badan dalka isagoo ka shaqeeyay Inbadan Nabad

Waxaa dhamaan ka soo qayb galayaashii munaasabadaas ay ahayeen kuwo ilahay uga barayay inuu la qabto hawshan uu Suldaan Maxamud Xasnan Cumar uu qabtay waxan halkaa ka hadlay oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaasha munaasabada Garaad Cali Ciid oo isagu sheegay in hawshana y tahay mid aad u adag isla markaan u baahan taxadar gaar ah iyo cadaalad waxaan waxaan uu in badan ka sheekeyay wanaagii Suldaan Ciise Xasn Cumar oo uu sheegay inuu ahaa nin aad u wanaagsan in badana ka shaqeeyay wax dan u ah dadka soomaaliyeed

Madaxdii ka soo qayb gashay ee munaasabada ka hadshay ayaa waxaa ka mid haaa Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo isagu sheegay in uu si aad ah uu ula cajabay siday u dhacday munaasabada isagoo sheegay inay ka Dowlad ahaan ay soo dhaweenayaan Suldaan Maxamud Xasn Cumar

Ugu Dabaytii ayaa waxaa halkaa ka hadlay oo Dhamaan ka soo qayb galayaashii mahad balaaran u jeediyay Suldaan Maxamud Xasan Cumar isagoo dadkii halkaa joogay u sheegay in hawshan loo Caleema saray uu u gudan doono sida saxda ah dadkan ka codsaday inay la shaqeeyan ilaahayna uga baryaan inuu u sahlo

Intaa kadib ayaa waxaa halkaa Suldaan Maxamud Xasan Cumar lagu wareejiyay Saldanadii Suldaanimada ee uu horay uga geeriyooday Walalkii Suldaan Ciise Cumar Ilaahay ah u naxariiste waxana ku wareejiyay Garad Cali Ciid

Si kastaba ha ahatee Suldaanka ayaa wax uu noqday suldankii labaad ee Beesha Bicidyahan Cali Saleeban isagoo ah sii haya Xilkaas oo uu ku wareejin Doono suldaan Maxamed Suldaan Ciise Xasan Cumar.

Sawiro





Axmed Nuune
SBC International Boosaaso

Daalacatey :2379

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print