Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay hayd mid lagu xusayay todabaadka naas nuujinta hooyada, waxaana ka soo qayb galay madax ka soctay wasaarada caafimaadka iyo qaar ka mid ah Hooyooyinka ku nool magaalada boosaaso

Ugu horantii waxaa munaasabadaa ka hadlay Dr Maxamed Siciid (Shadheye ) oo isagu ka hadlay faa’iidada  ay leedahay naas nuujinta  loogana baahan yahay hooyo walba in ay ilmaheeda naaska nuujiso ilaa labo sano, waxay hoyadu   ogaanaysaa wax tarka uu ilmaha iyo ayadaba u leeyahy  naas nuujintu isagoo sheegay in ay ilmaha udaranyihiin caane booraha la sinaayo ayasan habooneen  hooyadana uu ilmahaasi ku noqonayo caasi  .

Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadashay Fardows Axmed Sugule  oo iyaduna ah madaxa MCH-ka ee Puntland oo iyadan ka hadashay mihiimada maanta inay tahay  in hooyo walbaa ogaataa  in looga baahan yahay inay qaadato wax loo sheegayo oo iyada faaiidada u ah ilmaheedana u ah bulshadana u ah

Waxay intaasi raacisay in wax laga doorsado naaska hooyada uu san jirin   hooyo walbana  ogtahay balse ay iska indha tirayso lakin markay ilmahooda kala kulmaan caasi nimada ayey ogaanayaan in  naasku uu leeyahay faa.ido aan wax kale ee ilmaah lasiiyo

Ugu danbayntii soo xiritaankii munaasabada waxaa hadal ka jeediyay isu duwaha wasaarada caafimaadka gobalka Bari Siciid Maxamed Waraabe oo isna mahad balaaran u jeediyay  hooyoyinkii munaasabada ka soo qayb galy isagoo sheegay in hooyo walbaa looga baahan yahay in ay fariintan ay maqashay sii gudbiso si  hooyadan maqlin u qaadato,

Munaasabadan ayaa ah mid caalamka oo dhan laga xusayo iyadoo lagu magacaabo todobaadka naas nuujinta hooyada .
SAWIRO

Axmed Nuune
SBC International Boosaaso