Munaasabada lagu xusay maalinta caalamiga ah ee xuquuada aadanaha oo uu soo qabaabiyey xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan siyaasada ee Unpos oo lagu qabtay xarunta  hayda PDRC ee Garoowe.

Waxaa ka qayb galay Xafladaas wasiirka cadaalada Puntland  Khaliif Xaaji Xasan xubno ka socday UNPOS haween iyo marti sharaf kale,

Intii ay munaasbaadu socotay waxaa hadalo ku aadan sida ay muhiim u tahay in la dhowro xoryadtul qowlka iyo in loo qareemo dadka aan codkood meel fog gaarin ka jeediyey mausuliyinta Unpos iyo  qaar ka mid haweenkii ka qayb galay, waxaana madasha lagu gudoonsiyey mid kamid ah kooxa kubada cagta oo ku guulaystay ciyaar lagu maamusey maalinta xuquuda aadanaha.

Wasiirka cadaalada arimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland C.khaliif Xaaji Xasan Ajaayo aya ahalkaasi ak jeediyay hadalo ku aadna taariikhda ay leedahay maalinta xuquuda aadanaha,  waxaana uu tilmaamay in dhaqanka Somalidu yahay mid damaanad qaadanaya xuquuqda aadanaha,

Marka intaasi laga yimaado  Qodobada asaasiga ah ee xuuqada aadaha waa kuwo intooda badan uu dhigayo dasturka Puntalnd  sida Xoriyada fikirka iyo in qofku helo dacwad xaqa  hase yeeshe  marka la eego qodobadaasi waxaa dad badan aaminsanyihiin in Puntland ka dhacdo xad gudubyo la xiriira xoritul qowlka  inkastoo dowlada Puntland  iska fogayso eedaymahaasi.

Sawiro





Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe