Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay 51-sano guuradii ka soo wareegatay xilligii ay xornimada ay qaateen gobolada Koofureed iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koofur ayaa caawa waxaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida.

Munaasabadan waxaa sidoo kale dhanka heesaha wadaniga ah ka qaadayay hobolada Waaberi iyo Heegan waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay madaxda dowladda kadib markii la saaray calanka xilligii ay ku beegneyd 12:00 saqda dhexe ee habeenimo.

Ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka oo goobta hadal gaaban ka jeediyay ayaa sheegay in caawa ay muhiimad gaar ah u leedahay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maadaama ay tahay maalintii ay xornimada ka qaateen gumeystihii taasoo ku timid halgan dhiig badan ku daatay oo ay galeen umadda, gaara ahaana dhalinyaradii SYL.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi ka jeediyay oo isaguna ka hadley qiimaha ummada Soomaaliyeed ay u leedahay munaasabadan 1-da Luulyo.

DAAWO SAWIRADA