Mulkiilihii shirkada cadeynta filimada ee Jubba Color Mini Lab ee Soomaaliya Isadiin Musfata Sa’d ayaa la la’yahay meel uu jaan & cirib dhigay ka dib markii hanjabaad ay uga timid maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Isadiin ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday amaro kala duwan oo ay ku soo rogeen maleeshiyada Al-Shabaab amaradaasi oo ay ka mid ahaayeen in uu ka joojiyo shirkadiisa dhalinyarada uu baro habka loo qaado filimaanta iyo waliba sida loo cadeeyo filimada colorka ah.

Warar ayaa sheegaya in Isadiin uu ka baxsadey magaalada Muqdisho ka dib markii la sheegay in dil ay ku xukumeen maleeshiyada Al-Shabaab sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere kaasi oo soo amar ahaa in qalabka shirkada Jubba Color la qaato oo ay la wareegaan maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyey in shirkadaasi ay ku kacdo wax uu ugu yeeray fidinta waxyaabo ka dhan diinta Islaamka oo ah in la sawiro dumar jikooda qaybo ka mid ah sida timaha madaxa sawiro ay ka qaadaan raga ka shaqeeya xaruntaasi.

Al-Shabaab ayaa soo saartey amar ahaa in la burburiyo qalabkaasi dhamaantiis, isla markaana dil lagu xukumo ninka iska leh xaruntaasi oo lagu magacaabao Isadiin Mustafa Sa’d.

Nin ka mid ah shaqaalaha shirkadda Jubba Color oo codsadey inaan magaciisa saxaafada laga sheegin sababo uu ku macneeyey amaankiisa oo halis ku jira ayaa u sheegay saxaafada in Isadiin loogu hanjabay telefoonka loona sheegay in la dilayo, iyadoo maleeshiyada Al-Shabaab ay dhawr goor oo hore ay isku dhaceen Isadiin ka dib markii wiilashiisa ay isku dayeen inay ka dhigtaan maleeshiyo dagaalada ay u adeegsadaan, waxaana Isadiin uu ka biyo diiday talaabadaasi,isagoo xusey in aanu raali ka aheyn in ilmihiisa dagaalada loo adeegsado, taasi oo keentey inay ka caroodaan horjoogayasha maleeshiyada Al-Shabaab.

Sidoo kale Isadiin uu ka biyo diiday in uu bixiyo lacagaha baadda ah ee maleeshiyada Al-Shabaab ka qaataan ganacsatada magaalada Muqdisho, isagoo taasina kala kulmay in dhawr jeer uu ka badbaado isku day dil, iyo in la xiro dadka la shaqeeya qaarkood, kuwaasi oo lagu soo siidaayey ka dib markii lacago baad ah laga qaatey.

Isadiin ayaa Soomaaliya ka hirgaliyey shirkad lagu cadeeyo filimaanta colorka ah, iyadoo shirkadaasi ay aheyd tii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1991-dii burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya, waxaana shirkadaasi ka xamaalan jirey dhalinyaro uu soo tababaray oo xirfadaasi ku shaqeysan jirey.

Axmed Aar
SBC Muqdisho