Shaydaankii alifay ama sameeyey filimkii xadgudubka aflagaado loogu geystey Islaamka gaar ahaan Nabigeenna Muxamed CS ayaa xabsi loo dhaadhiciyey isagoo loo haysto in uu ku xad gudbay bandow dhanka adeegsiga cumbuter-yada, sida ay ku doodayaan waaxda booliiska iyo garsoorka dalka Mareykanka.

Filimka uu sameeyey shaydaan Nakoula Basseley Nakoula oo sidoo kale loo yaqaan magaca Sam Bacile  balse maanta maxkamada ka sheegay in magaciisa rasmiga ah uu yahay Mark Basseley Youseff, uuna magacaasi adeegsanayey tan iyo 2002-dii oo 55 sano jir ah ayaa ka dhaliyey dunida Muslimka caro baahsan iyadoo dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo nacayb xoogan uu ka dhashay, waxaana la sheegay in Ninkan uu ku xadgudbay xanibaad la saarey sanadkii 2010-kii oo ku aadnaeyd inaanu gacanta saarin computer isagoo loo haysto wax isdaba marin iyo dhac bangiyada gaar ahaan jeegaga lacagta oo loo adeegsadey adeega Internet-ka

Maxkamada Los Angles dacwad qaadayaal ka tirsan ayaa sanadkaasi ku soo rogay Shaydaan Nakoula in aanu gacanta saarin Cumputer, isla markaana aanu adeegsan karin Internet-ka mudo shan sano oo ugu eg 2015-ka, laakiin Fidne_wade Nakoula wuxuu ku kacay in uu jabiyo xayiraadii la saarey ee ka dhalatey Tuuganimadii uu sameeyey, isagoo ku dhaqaaqay falkaasi foosha xun ee uu aflagaada foosha xun ee daciifka ah uu kula kacay Rasuulkeena Sharafta iyo Cisiga Mudan ee EEBE Subxaanu Watacaalaa uu sharafta iyo karaamada u yeelay.

Bandowga dhanka Computer-ka iyo guud ahaan adeegyada Internet-ka ee saarnaa Fidne-wade Nakuala ayaa waxaa ka mid ahaa in aanu adeegsan qalabkaasi ilaa qof ilaalo ah uu la joogo oo isha ku haya waxa uu u adeegsanayo, laakiin sida muuqata wuxuu Shaydaankaasi ku sameeyey xadgudub go’aankii saarnaa, isagoo faraha la sii galay mushkilad aanu ka fiirsan uu gef ugu geystey Islaamka.

Afhayeen u hadley Xeer Ilaalinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday xaley (Khamiistii) in xabsiga loo taxaabay Nakoula iyadoo la soo taagey maxkamad dhageysigeedu albaabadu u xirnaa isla markaana saxaafada laga horjoogsadey.

Dacwad ku soo oogayaasha ayaa diidey racfaan iyo damiin lagu siideyn lahaa ninkan, waxaana lagu dooday in uu amaankiisa qatar ku jiro, isla markaana uu isagu qudhiisu qatar dhimasho sababtey uu abuuray, waxaana la sheegay in uu ka soo hadli doono shabaqa gadaashiisa (xabsiga).

Ninkan oo dhuumasho ku jiray tan iyo markii uu sameeyey filimkii ibtilada abuuray waxaa sidoo kale meel ay jaan iyo cirib dhigeen la la’yahay qoyskiisii kuwaasi oo inkaar qaba ku habaaray in uu har iyo hoyaad u diiday oo uu hilbahooda haada u warey.

Waa kuma Nakoula Basseley Nakoula ?

Fidnoole Nakoula asalkiisu waa Masaari wuxuu haystaa diinta Kirishtaanka gaar ahaan madhabta Coptic Orthodox, da’diisa muran ayaa ku jira laakiin 54 ilaa 55 jir ayaa la aaminsan yahay.

 Shaydaanku wuxuu markii dambe u guuray Koonfurta gobolka California halkaasi oo uu ka bilaabay shaqo kaalin Shidaal, balse wuxuu taariikh iyo hido u lahaa sumcad xumo dambiilinimo iyo waliba xabsi.

 21 bilood oo xabsi, ganaax lacageed, dayn iyo faqri xaga nolasha ah oo ka dhashay ganacsigiisa shidaalaha ayuu soo marey, waxaana lagu haystey dambiyo la xiriira in uu bixin waayey canshuuraha dawlada in uu been abuur ku sameeyey jeegag lacageed iyo in uu la shaqeyn jirey kooxo lacagaha been abuurka sameeya iyo in uu adeegsadey magacyo dad kale ay leeyihiin oo uu ku furtey account Bangi magacyadaasi oo uu ku jiro magaca wiil lix sano jir ahaa oo uu xadey xogtiisa adeega dadweynaha (Social Security).

Filimka uu sameeyey Shaydaankan oo 13 daqiiqo ah waxaa la sameeyey bishii July sanadkii 2011, laakiin waxaa la soo bandigay bishan September ee sanadkan iyadoo shirkadaha Internet-ka You Tube iyo Google ay soo galiyeen barahooda Internet-ka taasi oo caro weyn ka dhalisay dunida Muslimka.

Filimkan qaar ka mid ah dadkii ka qayb qaatey ayaa ku shalaayey waxayna ay sheegeen in ay ahaayeen doqomiin, iyagoo cabsi naftooda soo wajahdey.

Haweenay ka mid ah Jilayaashii filimkan oo lagu magacaabo Cindy Lee Garcia ayaa sheegtey inay dacwad la kori doonto shirkada Google oo ah shirkada iska leh You Tube-ka ka dib markii ay ka dhago ka fureysatey in ay filimkaasi ibtilada ah laga saaro mareegaheeda.

Google & Aqalka Cad oo gorada iskula jira

Aqalka Cad (White House) ee looga aramiyo wadanka Mareykanka wuxuu ka dalbadey shirkada Google inay ka saarto You Tube-keeda filimkaasi, balse taasi waxaa diiday maamulka shirkada Google oo ku adkeysanaya in aanay filimkan ka saari doonin adeegooda taasi oo ay ugu yeereen inaanu wax xadgudub ah ku sameyneyn sharciyada u degan, laakiin la yaabku wuxuu yahay difaaca waxa loogu yeero xoriyada hadalka maxaa looga qayliyaa hadii waxa laga sheego midibka qofka iyadoo la adeegsanayo cunsriyad ka hortag, maxaa looga qayliyaa hadii waxa laga sheego Quumo Luud-ka iyadoo la adeegsanayo ereyga xoriyada qofka, maxaa looga qayliyaa hadii wax laga sheego Yuhuuda iyadoo la adeegsanayo in arinkaasi yahay Sahnuuniyad nacayb (Anti Semitism), marka diin wax laga sheego waxaa laga qayliyaa in arinkaasi ka dhigan yahay Hadal cayb ah (Hate Speech), laakiin marka xadgudub lagu sameeyo Nabigeenna Suubax ee Muxamed Nabad galiyo iyo naxariis dushiisa EEBE ha yeelee waxay ku soo ururtaa in la difaaco waxa loogu yeero xoriyada hadalka.

Si kastaba ha ahaatee talaabada filimkan uu sameeyey Shaydaankan sharta, dambiyada, tuuganimada iyo Fidnada ku caan baxay waxaa ka dhashay caro xoogan, iyadoo Umadaha Islaamka ay si weyn arinkan uga gilgisheen, waxaana taasi muujinaysaa sida Islaamka ay oga go’an tahay in la ilaaliyo sharafta Nabigeena CS iyo Diinteena Muqadaska ah.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com