Mudaharaadyada looga soo horjeedo in xilka uu isaga tago raysul-wasaaraha Soomaaliya ayaa ka bilowday barta internetka, ayadoo bogga lagu macaabo waxaa taageernaa Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, uu soo jiitay xubno 5,000 ku dhaw oo dhamaantood ka careysan heshiiska Kampala.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Sharif Xassan Sheikh Aadan iyo Madaxweynaha dowladda KMG ah, Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa heshiiska awood qeybsiga ee ay ku saxiisay caaasimada dalka Uganda maalintii aArbacada, waxay hoosta uga xariiqeen in ay xilalkooda sii hayaan mudo sanad ah, waxayna sidoo kale ku baaqeen in raysul-wasaaraha xilka iska casilo mudo 30 cisho gudahood ah.

Cabdiqafaar Shire oo ah wariye Soomaaliyeed ayaa markii heshiiska uu soo baxay waxa uu abuuray bogga lagu taageraayo in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xafiiska sii joogo, si uu ugu adeego dadka Soomaaliyeed ee uu shaqada u hayo, waana dalab la mid ah midka dadka jooga magaalooyinka gudaha Soomaaliya ee ay ka midka tahay caasimada, Muqdisho.

“Muhiimada heeshiis lagu gaaro Kampala waxay dadku ka filanaayeen in dowlada oo shaqada wanagsan heysay la badbaadiyo oo xiliga loo kordhiyo, taasna ma dhicin…Heshiiskaana waa mid ay siyaasiyiin dhiig miirato ah, oo dano gaar ah leh ay ku qeybsadeen jagooyin waqti  ay dadkeena xabad iyo gaajo u dhimanayaan” ayuu Cabdiqafaar u sheegay bogga SBC

“Wax aan aqbali karno maahan heshiiskaas sababtoo ah wuxuu awood siinayaa dadka dhibaatada dalka ku sii riixaya, taasna waxay albaab u sii furi doontaa 10 sano oo kale oo dagaalo sii jiitamaan”

Heshiiska ayaa waxaa garwadeen ka ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga  iyo madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Musaveni oo ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta ah ay

Bishii 2aad ee sanadkaan ayaa gudoomiyaha barlamaanka, Aadan wuxuu socodsiiyay cod lagu taageeray in waqtiga golaha shacabka la kordhiyo mudo 3-sano ah, madaxweynaha dalkana la soo doorto bisha 8-aad ee sanadkan, taas oo muranka madaxda saldhig u aheyd.

Madaxweynaha ayaa isaga qorshihiisa wuxuu ahaa in laamaha dowlada oo dhan waqtiga loo kordhiyo mudo sanad ah, fikradaas oo raagero badan ka heshay wadamada ciidanka nabad ilaalinta ah soo diray, Uganda iyo Burundi, shacabka iyo qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka.

Dadka dhaliilaya heshiiskaaan ayaa sheegaya in madaxweyne Sheekh Shariif inuu ka tanaasulay dowlada isagoo ku badashay in uu doorasho ka fogaado, si kursigiisa uu uga badbaadiyo in loo tartamo.

 Bogga lagu taageerayo raysul-wasaaraha Soomaaliya ayaa xowli badan ku kordhay ka dib dilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdishakur Xasan Faarax oo u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Shir haatan uga furmay qadka teleefoonka xubnaha boggan oo kala jooga Muqdisho, Cape Town ilaa London, Sidney ilaa Los Angles, ayaa tacsi u diray ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada wasiirka ku geeriyooday howshiisa uu qaranka u hayay, iyagoo sheegay in falkaas uunan hoos u dhigi doonin mudaharaadyada.

 “Mahiga wadanka iskama laha, isaga ha iska tago, anaga ayaa leh Soomaaliya, Farmajo waa joogayaa,” Sacdiyo oo Minnesota degan ayaa u sheegtay shirka qadka ka socdo.

“waxaan ka codsaneynaa raysul-wasaare, Maxamed Cabdulaahi  uu dhageysto dadka xaqa ku leh oo ah shacabka dartiis isugu soo baxaya wadanka gudihiisa iyo internet-ka”

SBC News Desk