Dhakhaatiirta Isbitaal ku yaal wadanka Hindiya ayey qabsatey xaalad argagax iyo fajac ku abuurtey ka dib markii haweenay Isbitaal ku foolanaysay ay dhashay ilmo laba madax leh.

Dhacdadan oo ka dhacdey degmada Jaipur ee gobolka Rajasthan  ee dalka Hindiya waxaa ilmahan ku dhashay oo ah wiil dhakhaatiirtu sheegeen in caafimaad ahaan uu wanagsan yahay.laba_madax

Wiilkan labada madax leh waxay dakhaatiirtu sheegeen inay kala qaybsan yihiin labada la fee dhabarka, xidida neerfayaasha, iyadoo lafaha dhabarku ay iskugu yimaadaan miskaha,  waxay kaloo dhakhaatiiru sheegeen in uu leeyahay feeraha hal qof uu leeyahay.

Warbaahinta wadanka Hindya waxay sheegeen in ilmahan uu yahay kii labaad ee taariikhda dalka Hindiya ku dhashay balse uu yahay kii koowaad ee ku dhasha gobolka Rajasthan.

Link-ga video-ga hoose ka daawo muuqaalka wiilkan labada madax leh oo Telefishinada laga baahiyey

VIDEO

 Yaasiin Faradheere
SBC International Stockholm