MUCJISO RABBI: Ilmo ku dhashay isagoo Kibaabka Qur’aanka gacan ku haysta(Video)

Mucjisooyinka Rabbi waa kuwa aanay ku jirin shaki iyo dood isla markaana marqaati loo yahay, waxaana ka mid ah abuurista Bini’aadamka, sameynta cirka, dhulka, badda, buuraha iyo walina kuwa kale oo fara badan oo loogu tala galay dhamaantood in lagu xaqiijiyo awooda iyo sareynta ALLE SWT.

Hadaba mucjisooyinkii RABBI kuwii ugu dambeeyey mid ka mid ah ayaa dhawaan ka dhacdey dalka Nayjeeriya ee Galbeedka Qaarada Afrika ka gadaal markii todobaadkii hore magaalada Lagos uu ku dhashay ilmo gacanta ku haysta Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Wargeyska The Nigeriandaily oo warbixintan daabacay maalinimadii Khamiista ayaa sheegay in hooyada wiilkan dhashay lagu magacaabo  Mrs. Kikelomo Ilori, oo 32 sano jir ah ay tahay Kirishtaan isla markaana ay aad ula yaabtey markii wiilkeeda uu ka soo baxay isagoo gacanta ku haysta Kitaab yar oo Qur;aanka Kariimka, iyadoo Umulasadii ay arintaasi aad ula yaabtey markii ay ogaatayna u sheegtey hooyada ilmaha dhashay in ay iska tuurto Kitaabka balse ay diiday Mrs. Kikelomo.

Haweenayda wiilkan umushay ee lagu magacaabo Mrs. Kikelomo oo ka shaqeysa goobaha dumarka Timaha loogu hagaajiyo ayaa sheegtey in uurka wiilkan ay laheyd 10 bilood, waxay sheegtey in Aabihiis ay kala tageen ka dib markii uu ku taliyey in uurkaasi ay iska soo rido balse ay ku diiday, isagoo markaasi ka dibna si cad ugu sheegay in ay kaligeed ku tahay uurka oo aanay waxba u soo raacan karin, iyadoo sheegtey in ay go’aan ku qaadatey in ay xafido uurkaasi.

“Umulisadeydu waxay aad ugu dhibtootay dhalmada ilmahayga, markii aan dhaley waxaan aragnay ilmaha oo gacanta ku sita buug, waan eegnay waxaana ogaanay in uu yahay Kitaabka Qur’aanka ee Muslimiinta, ka dib Umulisadu waxay igu tiri iska tuur, laakiin waan diiday waxaana u sheegay inaan doonayo in aan tuso Hooyadey, intii aanan qaadin wax talaabo ah” ayey hadalkeeda sii raacisay Mrs. Kikelomo.

Baadari Senior Rev. Victoria Yetunde Dada oo ah baadirga kaniisad ku taal xaafada ay degan tahay haweenayda ilmaha Kitaabka isagoo haysta dhashay ayaa sheegay in Mrs Kikelomo ay Kaniisada had iyo goor imaan jirtey iyadoo u socota wax uu ku tilmaamay cibaadeysi.

“Markii ay ii sheegtey in ninkii ilmahan dhalay uu dayacay, waxaan u sheegay inaanay ilmaha iska soo tuurin, waayo waxaa dhici karta inay ku dhimato xiliga ilmo iska soo ridida ay wado” ayuu yiri baadirigaasi oo saxaafada la hadley.

Dr. Bode Tawak oo ah madaxa caafimaadka ee Isbitaalka Bodet Hospital ee ku yaal xaafada Ikeja ee magaalada Lagos ayaa sheegay in ay tahay wax macquul ah in ilmahaasi ku dhashay isagoo Kitaab gacanta ku haysta, isagoo u cuskaday sida uu sheegay Saynis ahaan.

Dr. Munir Yusuf oo ah qabiir dhanka Caafimaadka oo fadhigiisu yahay gobolka Kaduna ee dalka Nayjeeriya ayaa sheegay in ay tahay wax macquul ah arintan.

Link-ga video hoose ka daawo mucjisadan wiilkan yar ee Kitaabka Qur’aanka gacanta ku haysta iyo dad boqolaal gaaraya oo isagu soo baxay gurigii iyo Isbitaalkii uu ku dhashay wiilkaasi.
Halkan Riix

Daawo

Yaasiin Faradheere
SBC International Stockholm

 

11 Responses to MUCJISO RABBI: Ilmo ku dhashay isagoo Kibaabka Qur’aanka gacan ku haysta(Video)

  1. Muwadin ssc says:

    Waxaa mahad aan lasoo kobiy Karin u sugnaay
    Rabiy casaa wajalaa
    Oo cidaan isaga hayan majirto
    Waxaana ku talinayaa haweenaydaas. Inay ilaahay ugu cimra qadatoo ooy dag dag ku muslintoo
    Anaa waxaan ilaahay ugarajayna yaa inuu dariiqa muslimiinta ku soo hadeeyo
    Thnks allsbc

  2. waa layaab islaamkii markii ayka seexdeen dadaalka diinta ayuu alle mucjisooyin ugu badalay islaamintooda

  3. waalayaab dadka islaamka ah markii ay diinta dadaalkeeda gaalada kala seexdeen ayuu alle ugu baddalay mucjisooyin farabadan islaamintooda awgeed!!!!!!!!!!!!!.

  4. cali xarbi says:

    waaaaaaaa mucjiso rabaani ah

  5. Mohamed says:

    ASCWW

    Arrintan waa caadi, waxayna wax ugu filan tahay dadka aan islaamka ahayn, laakiin muslimka dhabta ah waa yaqiinsan yahay jiritaanka Allaah wax kasta oo Ilaah abuurayna waxay muujinaysaa jiritaankiisii. Kuwa badan oo aan Ilaahay iyo qaybka rumaysnayn Rabbi ha ku soo hanuuniyo, kuwa kale oo shaki ku jireyna iimaankood ha ku adkeeyo.

  6. Garmaqaate says:

    Waxaa la yaab ah in Soomaalidu wax walba oo ay internet-ka ku arkaan iska rumaystaan! Dalka sheekadaan laga soo weriyey waa Nigeria oo ah meesha musuqmaasuqa Afrika ka soo alkumo, ahna kuwa lagu magac dhabo “Nigerian Scam”.

    Teeda kale, waa gef laga galay Eebbe (Sarree oo xume ka nasahane) iyo Qur’aankiisa, iyo been-abuurasho cad oo lagu kacay, ujeeddada kowaad ee laga leeyahayna tahay in dadka laga horkeeno diintooda, lagana dhaadhiciyo sheeko-xariir iyo quraafaad aan jirin.

    Ujeeddada labaad ee Nayjeeriyiinta waxan soo gudbiyey leeyihiinna waa sidii ay dhaqaale uga urursan lahaayeen dadka Muslimiinta ah ee aan aqoonta badan u lahayn diinta Islaamka, ee dalkaas ku nool. Bal eega baaldiga lacagta ah ee cunugga agtiisa yaal!

    Waxaa waano inoogu filan Nebi Muxammad (N.N.E.K.H.A.); kuma uusan dhalan isaga oo Qur’aanka yaqaan, ee waxaa u yimid Jibriil, ka dib ku qasbay in uu akhriyo Qur’aanka “اقرأ باسم ربك الذي خلق”. Intaas ka dib, kolkii Nebigu (N.N.E.K.H.A.) cabsi darteed meel isku deday ayaa lagu soo dejiyey labada suuradood ee Muzamil iyo Mudatir, lana yiri “Kaagan is dedayoow, kac oo dig”. Deedna intaa loogama harine inta lagu soo noqday baa laye, “Kaagan is dharka isku duubayoow! Istaag habeenkii in yar mooyee… [I.D.]“

  7. hawo says:

    waa mahad illahay

    waxaan alle cswwj ka baryayaa in uu diinta koryeelo waayo waayahaan danbe waxaa laga dhigtau ciyaaro
    y wax lagu qaraabto oo lag

  8. rumaan says:

    garmaqaatoow alle abuurtiisa way badantahay wax walbana wuu awoodaa ee gaf ha galin hadalkaga ha miisaamnaado wax walba la iskagama hadlee waa iga talo

  9. UMU SACIID says:

    INAALILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJACUUN WAA MUCJISO RABAANIYA WAXAA LA TUSAYAA DADKA IN ILAAHAY WAX KASTA ABUURO WAA IN AAN KU CIBRO QAADANAA SUBXAANA LAAHA

  10. Abdirahman Omar Salat says:

    Mahad alle ayaa is kale, Waa haweenay alle khayr la maagay, wax aanay fariina u tahay aabihii wiilka dhalay iyo baadariga ku la taliyey in aaney ilma iska soo tuurin. Allaahu akbar.

  11. juula says:

    waa mucjiso rabaani ah oo u baahan in lagu waano qaato

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print