MUCJISO:Haweenay mudo 2 sano ah la qabey oo nin isku badashay(SAWIRO+VIDEO)

Dhacdo yaab iyo amakaag reebtey ayaa dhawaan ka dhacdey wadanka Yemen, ka dib markii haweenay mudo laba sano ah dumarnimo loo qabey isku badashay nin arintaasi oo fajac ku ridey dadka wadankaasi.

Gabadhan dumar ahaanta loo qabey waxaa sheekadeeda baahiyey Telefishinka Al-Saciidah ee dalka Yemen kaasi oo warbixin uu ka diyaariyey sidan ku bilaabay.

Sadex sano ka bacdi guurkeeda Nabiila waxay isku badashay dumar noqdey rag, ka dib markii ay ka sheeganaysay buro xanuun ka haysey xubnaha hoose ee dumarka, waxaana la geeyey Isbitaal si loogu sameeyo qaliin ku aadan sidii looga saari lahaa buradaasi kaasi oo natiijeeyey waxa aan laga fileyn oo nolasheedii u badashay isbadal tin iyo cirib ah maadama ay iyadoo haween ah qaliin lagu sanmeeyey ay ku noqotey nin.

Axmed oo ahaa sayga haweenaydan ninka isku badashay markii uu geeyey Isbitaalka wuxuu la kulamy dhacdo la yaab iyo amakaag leh oo aan la fileyn, waxaa la gaaray xiligii lagu smaeyn lahaa qaliinka Nabiila iyadoo uu hareer socdo ninkeeda Axmed isagoo waligiis filaneyn in uu la kulmayo maalin uusan ilaawi doonin nolashiisa, taasi oo aheyd in Ninkii dhakhtarka ahaa uu u sheegay in Nabiila ay tahay Nin isla markaana qaliinka lagu ogaadey in Nabiila ay noqonayso Nabiil maadama xanuunka ay ka cabanaysay Nabiila uu ahaa xubinta ragga oo markii qaliinka la sameeyey lagu arkay qaybaha hoose ee ninkaasi horey u ahaa gabadha.

Video uu baahiyey Tv-ga Al-Saciidah oo arintan ka sheekaynaya iyo wareysiyadii lala yeeshay ninkan gabadha horey u ahaa iyo waliba ninkii qabey ee Axmed lagu magacaabo, dhakhatarka oo ka sheekayanaya qisadan la yaabka leh link-ga hoose ka daawo.
Halkan Riix

DAAWO


Yaasiin Faradheere

SBC International Stockholm

2 Responses to MUCJISO:Haweenay mudo 2 sano ah la qabey oo nin isku badashay(SAWIRO+VIDEO)

  1. scww alaahu akabar ilaahay waa facaalu limaa yuriid waa doone siduu doono yeelaa waa qiso cajiib ah TAN 2AAD gabadhan hadaerr wiilka noqotay markeedii hore iyadaa la qabay magaceeduna ahaa nabiila hadeer waa nabiil magaciisu wauuna guursan doonaa cajiib soow ma ahan

  2. ali says:

    tani yaab maah wadankeenna ayyayba ka dhacday degmada c/buh ee gobolka sanaag mar aan sidaa usii fogayn kadib markii gabadh mudo soo jirtay isu rogtay sidanoo kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print