Jin Jifen oo 106 sano ah waxay jaceyl qarni jir ah la wadaagtaa saygeeda Yang Shengzhong, oo 109 sano jir ah, aduunkana uu soo joogay hoog, halaag, bash bash & barwaaqo.

Lamaanahan oo ku nool tuulo ku taal Koonfurta Galbeed ee dalka Shiinaha waxay is qabeen mudo 90 sano ah waxaana loo aqoonsadey lamaanaha is qaba ee ugu da’ada weyn wadanka Shiinaha.

Lamaanahani waxay dhaleen afar fac oo isku xiga markii iyaga lagu darana waa shan fac waxaana ay ku wada nool yihiin nolol farxad iyo shido la’aan isla markaana ah lamaane isku qanacsan oo dan iyo xaalad kasta isugu samra.

Yang oo ka sheekeynayey sida uu laabta iyo qalbiga ugu hayo xaaskiisa ay isku cireysteen wuuxu yiri “ waxay ii aheyd nolashayda oo dhan qof aad u wanaagsan, ilaa iyo hada cuntada ayay ii kareysaa” ayuu yiri Yang.

DAAWO SAWIRO

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com