Maamulka Soomaaliland ayaa shaaciyay kulan wada tashi ah la yeelaneyso Xisbiyada Mucaaradka ee ka jira Deegaanada Maamulkaasi,

Kulankaasi Ayeey Oga Danleeyihiin Sidii Loogu Qancin Lahaa Muddo Kordhinta Loo Sameeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Cabdirixmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici Oo Ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Kulan wada tashi ah la qaataan Xisbiyada Mucaaradka ee ka jira Soomaaliland.

Seylici Ayaa tilmaamay in kulankaasi uu noqonayo mid loogu hadlayo xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Muddo kordhinta Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Dhawaan Ayeey Aheyd Markii Golaha Guurtida ee Maamulka Soomaaliland Ay muddo Hal sano iyo bar ugu dareen Xukuumada Hadda Jidha, Waxaanna Arintaasi Dhaliilay Xisbiyadda Mucaaradka ee Ka Jira Deegaanadaasi.

SBC, News.