Warar laga helayo Mucaaradka Dalka Liibaya ayaa ku waramaya inay ku dhowyihiin Magaalada Tripoli ee Caasimada Liibiya iyaga oo xusay inay Qabsadeen labada Magaalo ee Kala ah Zlitan & Zawiya inkasta oo ayna jirin Faahfaahin rasmi ah oo muujineysa la wareegida Magaalooyinkaas.

Kooxaha Mucaaradka Liibiya oo dagaalo xoogan ka wada Wadanka Liibiya ayaa sheegay inay jihooyin kala duwan ka weerarayaa Caasimada Liibiya ee Tripoli iskasta oo hagaanka dalkaasi Col Qaddafi uu sheegay inay cagta marin doonan Kooxaha hogaankiisa ka soo horjeeda.

Magaalooyinka ay iminka sheegteen Mucaaradka ayaa kala ah Magaalada Zlitan oo 160 KM u jirta Caasimada Tripoli & Magaalada Zawiya oo iyaga 30 km Dhinaca Bari ka xigta Caasimada

Dhinaca kalena kooxaha Mucaaradka Liibaya ayaa sheegay Dagaalada Ugu danbeeyay looga dilay 31 Ciiidamadooda ah iyaga oo sidoo kale xusay in in ka badan 100 askri ay kaga dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee Dagaalada Ugu danbeeyay ee ka dhacayay Wadanka Liibiya ayaa Madaxa warfaafinta ee Dalkaasi Muusa Ibraahim waxaa uu sheegay in Magaalooyinka ay mucaaradka sheegteen ay gacanta ku hayso Dowlada Wadankaasi

Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta Sheegashooyinka Mucaaradka & Dowlada Liibiya eek u aadan gacan ku haynta Magaalooyinka Wadankaasi Liibiya ka tirsan

SBC International Monitoring