Hay’adda Samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF ayaa sheegtay inay qaar ka mid ah shaqaalaheeda kala soo baxday Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab,

sababaha Ay Ula Baxday Ayeey Ku Sheegtay iyadoo ay sii kordhayaan cabsida laga qabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka geystaan Deegaanadaasi.

Haweeneyda Afhayeenka u ah  MSF, Beatrice Debut ayaa sheegtay inay 42 ka tirsan Shaqaalaheeda u soo wareejiyeen Xafiisyadda magaalladda Nairobi, kadib, markii ay dhowr shilal weerar ka dhaceen Degaanka Dhadhaab.

Waxay kaloo sheegtay in la xiray labo xarumo Caafimaad oo ka mid ah Afrata Xaruumood oo ay Hay’adda MSF ku lahayd Xeradda Dhadhaab oo ah Xeradda Qaxootiga ee ugu weyn Caalamka.

Afhayeenadda waxay kaloo tilmaamtay inay qiimeyn doonaan xaaalladda Dhadhaab, isla markaana ay Shaqaalahooda dib u soo laaban doonaan marka la hubiyo ammaanka Xeradda.

Hay’adda MSF waxay Labaatameeyo sanno ka hawlgeli jirtey Xeradda Dhashaab, waxayse haatan hawshooda ku soo koobeen inay daryeel caafimaad oo keliya kabixiyaan Xeradda Dhagaxley oo ka mid ah Shanta Xero Qaxooti ee ku yalla Dhadhaab.

Dhinaca kale, Tallaabadda  inta badan shaqaalaha Hay’adda Samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF looga soo saaray Dhadhaab ayaa timid, kadib, markii ay Dagaalyahannadda Alshabaab Isniintii hore weerareen Garissa, kuna dileen Sarkaal Bolis, kuna dhaawaceen afar kale.