Ururka Nabadda iyo Hurumarinta Aadanaha ee Mudug. Mudug Peace and Development Organization MPHDO ayaa galabta qabtay xaflad heer sare ah, xafladaas oo lagu soo gabagabeeyey mashruucii shaqodoon, kana dhacday xarunta MPHDO ee Galkaio, xaflada ayaa loogu qaybiyey qalab farsamo iyo lacag cadaan ah (cash), 60 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, kuwaas oo dhamaystay tababar xirfadeed (skill training) soconayey muddo sideed bilood ah, oo ay ku barteen xirfadaha kala ah, toliinka dharka,(Tailoring) farsamada mobaylada (Mobile repairing) iyo farsamada biyo galinta (Plumbing).

Xaflada oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qayb galay, mas’uuliyiin ka socotay dowlad goboleedka, Galmudug, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga, Dr. Mohamed Ali Nur, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Hassan Mohamed Said, Wasiir kuxigeen Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Dr. Mohamed Abdulkadir Dholodholo, Gudoomiyaha Haweenka Galmudug Marwo, Habibo Koonfurow, sidoo kale waxaa xaflada goobjoog ka ahaa Gudoomiya Ururka Nabadda Horumarinta Aadanaha ee Mudug, Mudug Peace and Human Development Organization MPHDO. Avv. Omar Sh.Ali Osoble, iyo ardaydii dhamaysatay tababar xirfadeedka (Skill training)

Waxaa halkaas warbixin ku saabsan ujeedooyinka mashruuca ka soo jeediyey Mudane, Abdi Hassan Jama, oo ah madaxa mashruuca isagoo xusay in lagu guulaystay labadii ujeeddo ee laga lahaa mashruucan, ujeedooyinkaas oo ahaa xirfad u tababarid dhalinta Galmudug iyo shaqo gayntooda (Skill Training and Placement) qalabka loo qaybiyey ardaydaas waxaa ka mid ahaa, qalab farsamo biyo galin, dhamaystiran oo loo qaybiyey 10 arday (Plumbers) lacag dhan $1000 oo loo qaybiyey 10 arday, (Mobile repairers) iyo 40 makiinadood(harqaano) loo qaybiyey 40 arday (Gabdho)

Mashruuca shaqodoon waxaa maalgaliyey haya’ada Education Development Centre EDC, waxaana fuliyey ururka Nabadda iyo Horumarinta Aadanaha ee Mudug, Mudug Peace and Human Development Organization, wuxuuna bilowday 1dii Febraayo dhamaadayna 31da Agoosto 2011, waxaana lagu baranayey shan xirfadood oo kala duwan, sida maamulka iyo maaraynta xafiisyada, barashada cilmiga computer ka, toliinka dharka, farsamada moobaylada iyo farsamada biyo galinta.

 

 

liibaan C/laahi Faarax {Qaran}
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com