Dhagax dhiga xaruntan cusub oo yelanayso wasarada dulista hawda iyo garoomada Puntland ayaa noqonaya mid ay kaga maarmidoonto  dhismihii hore oo ay lahayeen dad shacaba lacago badana kaga bixi jirtay,

Goobta loo dhagax dhigay waxaa ka qayb galay dhamaan xubnaha wasrad dulista hawda Puntland iyadoona uu si rasmi ah u dhagax dhigay madaxweyne ku xigenka Puntland Gen C/samad Cali Shire.

Xuseen Xasan Cabdi wasiirka wasaarada dulista hawada Puntland ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay saxaafada isagoo sharaxaad kabixiyay muhiimada ay u ledahay wasrada xaruntan cusub ee manta la dhagax dhigay.

Madax weyne ku xigeenka Puntland C/samada Cali Shire  oo isagu dhismahan cusub dhagax dhigay ayaa waxa uu sheegay inaysanwax nasiib ah u helin dadka reer Puntland dhaxlka hantida ma guran ah dowladii dhexe ee Somalia hase ahaatee ay dowlada Puntland ee hatan jirta ay go ,ansatay inay wasaarad u samaysso xarumaha ay iyagu leeyihiin.

Sidoolke waxaay masuliyiinta wasradu manta kormeer ku tageen garoonka diyaradaha magalada Garowe halkasi oo uu kasocda dhismaha xarumo  logu talagalay soo dhawaynta dadka iyo hagida diyaradaha kasoo dagaya garoonka diyaaradda ee magalada Garowe.


Samiiro C/raxmaan Cabdulle
SBC International Garoowe