Dad ku eedaysanaa dilkii Dr Axmed X. C/raxman oo dil lagu xukumay Cod+Sawirro

Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Haylaan iyo waliba sanaag ayaa maanta wax ay xukun dil ah ay kuriday dad ku eedaysnaa dilkii loogaystay Allaha uraxmadee DR Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kooxo hubaysan ay kudileen Magaalada Boosaaso .

Maanta ayaa maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida waxa la horkeenay 6kamid ah eedaysanayaashasi ku eedaysanaa inay kulug lahaayen dilka shiikha waxana kujirtay haweenay iyada lagu eedeeyay inay soo dhawaynta iyo dajinta shaqsiyaadkaasi ay kulug lahayd xiriir wanaagsan ay lalahayd xarakada Al-shabaab .

Ee daysanayaasha maanta maxkamadu ay xukunka kuriday waxa ay kala ahaayen

  1. Axmed Cabdi Godane – Hoggaamiyaha Al-shabaab
  2. Axmed Maxamed Cali (Mustaf)
  3. Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
  4. Maxamed Abshir Cartan
  5. Cabdiraxmaan Maxamed Cali
  6. Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
  7. Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf \
  8. Xasan Jaamac Xasan (Surato)
  9. Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
  10. Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
  11. Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
  12. Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)

Gabagabadi maxkamada ayaa waxa ay maxkamadu ay soo saartay go,aan xukun kaasi oo ahaa mid ciqaab ah,hadaba halkaan kadhagayso Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo xukunka kudhawaaqaya Gudoomiyaha Maxkamada oo xukunka ku dhawaaqaya

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ugu danbeyntii sheegay in eedeysaneyaasha xukunka lagu ridey ay haystaan muddo 30-maalmood ah, si ay racfaan uga qaataan xukunka ku dhacay

 

 

Grabbed Frame 1

Grabbed Frame 2

Grabbed Frame 6

Grabbed Frame 3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII