Cairo:- Madaxa golaha sare ee ciidanka qalabka sida ee daka Masar Al-mushiir Maxed Xuseen Dhandhaawi ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin musharax ka socda ciidanka milatariga kaasi oo ka qeyb gelayo doorashooyinka soo socda.

Dhanka kale golaha wasiirada dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in uu joojiyey qodobka shanaad ee xeerka doorashooyinka golaha shacabka iyo shuurada taasi oo ay isku soo dabaridi doonaan axsaabta iyo shakhsiyaatka madaxbanaan.

Cod bixinta ayaa loo qaban doonaa saddex heer, taasi oo midda ugu horeysa ay dhacayso 21 November, laakiin wali wax war ah lagam soo saarin taariikhda doorashada madaxtinimada , taasi oo an la fileyn ka hor bisha March ama April ee sanadka soo socda.

Saraakiisha doorashooyinka ayaa waxa ay kala hadlayaan Golaha militeri ee hadda talada haya qorshahan, waxaana lagu dhawaaqi doonaa go’aanka toddobaad gudihiii.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring