Wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa ansixiyay qorshayaal lagu sameynayo ciidan badeed la dagaallama qolyaha dadka tahriibiya ee jooga Liibiya.

Haweeneyda Midowga Yurub u ah madaxa siyasadda, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in howlgalka uu isku dayi doono inuu kala dhantaalo, qaabka ganacsiga ee shabakadaha dadka sida sharci darrada ah uga gudbiya badda Mediterranean-ka.

Midowga Yurub ayaa ku talla jira in howlgalka ciidan uu bilowdo bisha soo socota, iyadoo xaruntiisu noqon doonto caasimada Roma ee dalka Talyaaniga.

Ciidammada badda ee Midowga Yurub uu diyaarinayo ayaa waxaa hoggaamin doona Adm Enrico Credendino, oo u dhashay dalka Talyaaniga ahaana taliyihii howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad baddeeda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa xakameyn la’ muhaajiriin sharci darro ah, oo uga imanaya qaaradaha Afrika iyo Aasiya, iyaga oo si ay Yurub usoo gaaraan soo mara badda Mediterranean-ka.

Dalka UK ayaa dowr muhiim ah ka qaadanaya sidii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u meel marin lahaa, qaraar Midowga Yurub u oggolaanaya in uu cudud miletari u adeegsado kuwa dadka soo tahriibiya.

Balse safiirka Liibiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Ibrahim Dabbashi, ayaa sheegay in dowladdiisa aanan laga tashan howlgalka la doonayo in dhulkeeda laga fuliyo.

Mudooyinkii Udanbeeyayna waxaa xeebaha dalka Talyaaniga Gaarayay qaxooti Nolol Raadis Ah Kuwaas Oo Qaarkood Heley Dib Udajin.
SBC, News.