Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay uu si muuqata uga fakarayo sidii Soomaaliya loogu soo rogi lahaa xayiraad dhanka cirka & badda ah, balse go’aankaasi uu yahay mid aan si buuxda loogu ansixin.

Afhayeen u hadlay Midowga Afrika ayaa waxaa uu sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay si aad ah ugu walaacsan yihiin dagaalyahaanada Ajaaniibta ah ee kusii qul qulaysa dalka Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka inay sii wadaan taageerada ay siinayan howlgalka ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

“Xaalada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in uu dib u eego golaha amaanka ee qaramada Midoobay, waxaana qorsheynaynaa in aan u qaadno arimahaasi talaabo talaabo” sidaasi waxaa yiri afhayeen u haldey u Midowga Afrika oo saxafiyiinta kula haldey magaalada Adis Ababa. Hindisaha midow Afrika ayaa ku soo aadayaa iyadoo dagaalada ba’an ee ka soconaya magaalada Muqdisho ay ciidamada DFKMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM ay guulo ka gaareen dirirta hubaysan ee ay kula jiraan xoogaga xarakada Al-Shabaab.

Keyse Caamir
SBC News Desk