Addis Ababa:- Mas’uul heer sare oo katirsan midowga Africa ayaa ku tilmaamay qaraarkii faransiiska ee hubka ugu daadisay dhanka cirka mucaaradka libya in ay tahay arrin khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo deegaanka.

Jean Ping guddomiyaha midowga Africa oo la hadlayey BBC-da ayaa sheegay in arrinka uu wax u dhibayo Liibiyada soomaaliyeed isagoo ula jeeda xaaladda Libya ee ku sugan tahay ee lamidka ah xaaladda soomaaliya.

Dhanka kale isbahaysiga NATO ayaa ka gaabsaday in wax faallo ah ka bixiyaan talaabadii faransiiska inkastoo admiral Jiyambawlo Di Baawla oo ah madaxa guddiga milatariga isbahysiga uu u sheegay saxafiyiin ku sugan Brussels in isbahaysigooda aysan ka qeyb qaadanayn howlo noocaas oo kale, wuxuuna sii raaciyey si wanaagsan ayaa u ognahay waxaa jira dowladda sameenaya arrintaas, balse ma doonayo in aan faafaahin ka bixiyo.

Wasiiru dowlaha arrimaha caalamiga Britain Gerald Haworth ayaa sheegay in ay jiraan su’aalo la iska weydiinayo gaar ahaan arrinta ku aadan qaraarkii QM ee ogolanayey fargaelin milateri dalka Libya inkastoo xaaladaha qaar ay suurtagal tahay in si cad loogu bareero.

Wasiirka ayaa intaas sii raaciyey in Britain aysan doonayn in ay hub siiso mucaaradka Libya balse talaabada faransiiska ay tahay arrin u gaar ah faransiiska , mana aha in cambaareen loo jeediyo faransiiska arrintaan ku aadan , laakiin waa arrin aan haboonayn in aan sameyno ayuu sii raaciyey.

France aya xaqiijisay in ay u daadisay mucaaradka Libya hub tankiisu gaarayo 40 tan buuraha galbeedka Tripoli iyadoo adeegsanysa baarashuut ama daladaha si ay ugu caawiso dagaalka ay kala soo horjeedaan maamulka Madaxweyne Qadaafi.

Afhayeen milatari oo faransiis ah ayaa sheegay in hub iyo rasaas loo diray qabaa’ilka Amaasiiqiga buuraha Nufuusa horaantii bishan June.

Xukuumadda Washington ayaa seehgtay in qaraarka tirsigiisu yahay 1973 uu u fasaxayo dowladaha in ay hub u diraan mucaaradka Libya inkastoo qaraarkii hore ee tirsigiisu ahaa 1970 uu mamnuucayey in hub loo dhoofiyo dalka Libya.

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring