C/nuur Axmed Darmaan oo ah siyaasi soomaaliyeed islamarkaana lagu xasuusto kaalimo badan oo uu ka galay siyaasada dalkan Soomaaliya ayaa saaka aroornimadii hore soo gaaray magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug isagoona gaaray Maamul goboleedka Galmudug oo uu booqasho ku marayo.

Markii uu soo degay C/nuur Darmaan oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya waxaa uu la hadlay shacab aad iyo aad u tiro badan oo u soo kacay sidii ay ugu sameeyaan soo dhaweyn balaaran .

Waxaa uu sidoo kale safaro kooban ku tagay xafiisyo ka mid ah xafiisyada Maamul goboleedka Galmudug sida Xarunta madaxtooyada Maamulkaasi oo ay kuwada kulmeen madaxweynaha maamulkaasi Mr Maxamed Axmed Caalim.

Hadalada ka soo yeerayay intii uu ka hadlayay qalabka warbaaninta mr C/nuur Darmaan ayaa waxaa u badnaa in uu yahay madaxweynaha Mustaqbalka Soomaaliya, isagoona hada ka hor uu saxaafada ka shaaciyay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana uu dalka gacan ku qaban doono .

Safarka Madaxweynaha Mustaqbalka uu ku yimid Galmudug waxa uu u muuqanayaa mid booqasho isagoona halkaasi kala kulmay soo dhaweyn aad u balaaran xili subaxnimo hore ah .

 Liibaan C/laahi Faarax (QARAN)
SBC International Gaalkacyo