Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Somaliya ayaa lagu Dilay Saakay Mid Kamid Ah Shaqaalaha Xafiiska reysulwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay dilkii arxan darada ahaa ee maanta loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo saakay dableey hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, wuxuna alle uga baryey marxuumka in uu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya, waxaan alle uga baryeynaa Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska oo saakay la dilay in uu Eebe naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Marxuum Siciid wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, mudana kasoo shaqaynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri RW Cumar.

Sidoo kale, Maamulka iyo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum Saciid Cali Saalax.

Magaaladda Muqdisho ayaa maanta Oo Sabti Ah Lagu Dilay Labo Masuul Oo Ka Tirsan Dowladda somaliya Ayadoo Galabtana La dilay Xildhibaan ka Tirsan Golaha Shacabka Somaliya.