Baqdaad:- waxaa ka kacay mid kamid ah dhuumayaasha qaada gaaska iyo naftada ceerin ee ceelka Ramiila ee koonfurta ciraaq dab xoogan kaasi oo sababay in ay istaagto soo saarka shidaalka.

Hadda waxaa scda dayactirka dhuunta balse wasiirka naftada dalka ciraaq C/kariim Laciibi ayaanan shaaca ka qaadin xilliga la ambaqaadi doono soo saarka naftada ee ay horumarisa shirkada B.B. British iyo shirkadda CNBC ee shinesska.

Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhuumaha shidaalka ay waxyeelo gaarsiiyeen laba qarax oo lala beegsaday.

Booliska magaaladaBasraayaa sheegay in la damiyey dabkii goobta ka kacay ee kadhashay labada qarax iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in labo Bombo lagu aasasay dhuumaha shidaalka.

Keydka shidaalka ee kujira ceelka Al-ramiila ayaa lagu qiyaasaa in uu dhan yahay 17 bilyan oo barmiil.

Magaalada Basra oo laga dhoofiyo inta badan shidaalka ciraaq ayaa sanadkan laga dareemay hoos u dhac marka loo eego magaalooyinka kale weerarada.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring