Xisbi Siyaasadeed oo Muqdisho ku soo bandhigay Musharaxiisa Madaxnimo

Xisbiga Nabadda iyo Horumarka oo ka mid ah xisbiyada Maalmihii ugu dambeysay kaga hadal hayay magaalada Muqdisho Arimaha siyaasada ayaa maanta Munaasabad ay ku qabteen magaaladaasi waxa ay shaaca kaga qaadeen in ay u taagan yihiin qabashada xilka madaxtinimo iyagoona soo bandhigay Musharaxooda.

Munaasabadan oo ka dhacday Hotel ku yaala magaalada Muqdisho ayna ka soo qeyb galeen siyaasiyiin, Xildhibaano , wasiiro iyo ururada arimaha bulshada ayaa u xisbigan kaga dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka madaxweyne nimo ee Soomaaliya marka la gaaro xiliga doorashada gudoomiyaha ururkaasi Xasan Sheeq.

Gudoomiyaha Ururka Nabada iyo Horumarka Xasan Sheeq ahna Musharaxa Madaxweyne nimo ee Soomaaliya ayaa sheegay xili uu xafladaasi ka hadlayay in xisbigiisu uu fulin doono talaabooyin badan oo la xiriira wax ka qabashada Amaanka, Caafimaadka iyo dhamaan nolosha.

Dhamaan dadkii ku sugnaa xaflada ururkani uu maanta ku soo bandhigay isa soo sharixitaankiisa ayaa sheegay in ay iminkadan haboontahay isa soo sharixitaanka ururada siyaasadeed xilka madaxweyne nimada Soomaaliya taasna waxay ku tilmaameen in ay tahay mid meel dhigeysa in wax lagu qeybsado hababkii hore sida Qori iyo 4.5 .

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu musharax isu soo taago xilka madaxweyne nimada Soomaaliya, waxaana maalmihii la soo dhaafay jiray xaflado lagu qabanayo hotelada qaar ee magaalada kuwaasi oo ay isku soo taagayaan musharixiin xilka madaxweyne nimada Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.

Daalacatey :553

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print