Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka DKMG ah oo Maanta qarax ku dhintay Muqdisho

Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi Ibraahim Garweyne oo ahaa Wasiirkii hore ee Ganacsiga xukuumadii hore islamarkaana ahaa Xildhibaan iminka ka tirsanaa Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhintay Qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa meel ku dhow Xaruntii bacaadlaha ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Xubno ka tirsan saraakiisha xukuumada FKMG Ah ee Soomaaliya ayaa saxaafada u xaqijiyay geerida wasiirkii hore ahaana xildhibaan iyadoona ka dib qaraxa ay goobta uu ka dhacay hareereeyeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida ee DKMG ah.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho xarunta dalka waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo shirqoolo lala eeganayay siyaasiyinta, Masuuliyiinta dowlada iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

C/qaadir Maxamed Cabdulle.
SBC International Muqdisho.

Daalacatey :736

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print