Wariye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ah rugcadaayasha saxaafada Soomaalida, isla markaana mudo dheer ka soo shaqeynayey qaybaha warbaahinta sida Radio Muqdisho & Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa dhawaan ku dhaqaaqay mihnad ka duwan tii lagu yaqiin ee wariyenimada ka dib markii uu jilaa (actor) uu ka noqdey filim xiiso leh oo lagu dhigay gudaha Soomaaliya.

Filimkan oo ka hadlaya dhaqanka Soomaalida, iyo waliba colaadaha dhex mara gaar ahaan reer Miyiga ayaa Axmed Xasan Cawke wuxuu u jilay qab qosol leh oo soo jiitay dhamaan daawadayaashii arkey, iyadoo xiiso weyn uu xambaarsan yahay filimka.
CAWKE

Duubista filimka oo laga sameeyey video gaar ahaan qaabka loo jilay, qaabka loo duubay ayaa waxay ka dhigaysaa xiisaha filimkaasi mid aad u weyn.

Hadaba si aad u daawato oo aan lagaaga sheekeyn qisada filimkan uu Atooraha ka yahay Wariye Cawke oo haatan la baxay Jilaa Cawke link-ga video-ga hoose riix.

VIDEO

 SBC News Desk