Mid ka mid ah salaadiinta caanka ah ee deegaanada la magac baxay Somaliland Suldaan Maxamed C/qaadir Suldaan Cabdilaahi ayaa shaaca ka qaaday inay dhamaatey hamigii gooni isu taaga isla markaana Somaliland dib ula mideyso Soomaalida inteeda kale.

Suldaan Maxamed C/qaadir oo ah suldaanka guud ee Somaliland ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid lagu doonayo in Soomaaliya dawlad loogu dhiso oo aanay beesha caalamku dooneyn Soomaali fara badan ama dawlado badan oo Soomaaliyeed, isla markaana hadii aanay heshiin oo aysan dawlad dhisan dalka la galinayo maxmiyad.

Wareysi dheer oo lala yeeshay Suldaan oo uu kaga hadlayo arimaha dagaalada Buuhoodle, maamulka Khaatumo, Sida Soomaaliya loogu doonayo in loo kala qaybiyo oo loogu dhiibayo wadamada dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya, isla markaana dalka maxmiyad lagu galinayo.

Si aad u dhageyso link-ga hoose riix.

dhageyso