Ka dib markii dhowaan ciidamo ka socda dowladaha Safka hore ee Deriska La ah Soomaaliya ay gudaha u soo galeen qaar ka mid ah gobolada Bartamaha iyo Koonfurta dalka, laguna arkay ciidamada dowladahaasi oo dhexlugeynaya ciida Soomaaliya ayaa waxaa arinkaasi sharci daro ku tilmaamay Madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad Xasan.

Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku sheegay danaha dowladahaasi ay u soo galeen Soomaaliya ay tahay mid dhaqaale ay ku raadsanayaan iyagoona haminaya in lacago lagu siiyo arinkaas si ay deegaanadooda ugu horumariyaan.

“Ciidamda Safka hore hora loo diiday, in ay soo galaan ciida Somaliyana waa mid ah dhaqaalo ku raadinayaan, taana waa mid gef ku ah Umada Soomaaliyeed iyo qarankooda” ayaa ka mid ahaa hadalada Madaxweynihii hore ee Somalia C.qaasim Salaad Xasan.

Waxa uu intaasi ku daray Dr C/qaasim in Qaramada Midoobay ay tahay in ciidamo gaar ah u soo qorsheeso Soomaaliya, isagoona u sheegay in aanay ogolaaneyn ciidamo safka hore oo Soomaaliya soo gala.

Dr C/qaasin Salaad Xasan Iminka waxa uu ku suganyahay gudaha Dalka Masar gaar ahaan Caasimada dalkaas, waxaana hadalkiisu imanayaa xili dhowaan ay gudaha u soo galeen qeybo ka mid ah Somaliya Ciidamo ka kala socda dowladaha Kenya iyo Itoobiya .

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.