Ra’saiwalsaaraha  Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa shaaca ka qaaday in uu booqasho ku tagi doono dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada ah, isagoo ay ku wehliyaan safarkiisa qoyskiisa.

Mr Erdogan ayaa hadalkan ku dhawaaqay maanta oo arbaco ah waxaana uu sheegay in ujeedada isaga & qoyskiisa ay u booqanayaan Soomaaliya ay tahay sidii beesha caalamka indhahooda uu ugu soo jeedin lahaa xaaladaha abaareed ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Wakaalada wararka Turkiga ayaa shaacisey in safarka Ra’isalwasaaraha uu sidoo kale qayb ka yahay wasiirkiisa arimaha dibada Ahmet Davutoğlu.

Ra'isalwasaare Rajep Teyeb Erdogan

Ra’isalwasaaraha Turkiga Mr Erdogan ayaa wuxuu hadalka ah in uu booqanayo maalmaha soo socda wadanka Soomaaliya wuxuu jeediyey maanta (Arbaco) isagoo ka qayb galayey kulan ay lahaayeen shir ay lahaayeen xisbigiisa cadaalada & horumarka ee loo yaqaan AK Part, waxaana uu aad ugu dheeraad dhibaatada abaareed ee ka taagan Soomaaliya isagoo sheegay in aduunka looga baahan yahay sidii arinkaasi wax looga qaban lahaa.

“Maalmo gudahood ayaan ku tagi doonaa Soomaaliya, dad ayaa aduunka gaajo uga dhimanaya waana Somalia, boqolaal qof ayaa maalin walba u dhimana gaajo & haraad, waxay ka fakarayaan rajada & muhiimada ay leeyihiin, arintani waa xaalad aadamtinimo, goormee ayay aduunyadu iskaashanaysaa hadii aanay aheyn maanta oo aan la badbaadin caruurta maalinta geerida ku socda” ayuu tiri Ra’isalwasaare Erdogan.

Hadalkan ku aadan in uu booqanayo Soomaaliya Ra’isalwasaare Erdogan ayaa ku soo aadayaa iyadoo todobaadkan ay gaareen magaalada Muqdisho wafdi ka socda hay’ada bisha cas ee dalka Turkiga kuwaasi oo gargaar geeyey caasimada kaasi oo loogu tala galay dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

Socdaalkan uu ku dhawaaqay Mr Erdogan in isaga & qoyskiisu ay ku tagayaan Muqdisho waxaa lagu tilmaamay in uu noqonayo mid si weyn diirada bulshada caalamka ugu jihayn doona abaaraha Soomaaliya, iyadoo ay muuqato in dunidu aanay si dhab ah ugu soo jeesan waxkaqabadka rasmiga ah ee abaaraha saameeyey Soomaaliya.

Keyse Caamir