Mid ka mid ah Hablihii ugu caansanaa fanka Soomaalida isla markaana safka hore uga jirtey udub dhiga & horumarinta fanka Soomaaliyeed ayaa goor dhaweyd ku geeriyootey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland. 

ALLAHA u naxariistee Kinsi Xaaji Aadan (Caqaarta) ayaa barqadii maanta waqtiga Geeska Afrika waxay ku geeriyootey magaalada Hargeysa, Kinsi waxay ku biirtey Fanka sanadihii Todobaatameeyadii waxaana ay aheyd gabadha ugu horeysa kooxdii ugu horeysya ee ay ku biirto ee Onkod ee ciidamadii Asluubta Soomaaliyeed.

Sanadkii 1980-kii ay Kinsi ku biirtey ama u wareegtey kooxdii Waaberi Hargeysa, waxaana xiligaasi ay si deg deg ula soo baxdey muwahibo xaga fanka & jiliinka ah, iyadoo ka qayb qaadatey riwaayado fara badan oo ay ka mid ahaaheeyn.

  • Waa Maadeys aduunyadu dadkuna way matalayaan oo uu alifay Abawaan Sangub.
  • Masiibadu aduunyada iyadaa u macalina oo uu curiyey Abwaan  Xasan Ganey
  • Abaalku raggu geystiyo Ilowshiyo Haween oo uu sameeyey Abawaan Jaamac Daad.

Fanaanada Kinsi Xaaji Jiliinka riwaayadaha kuma ekeyn oo kaliya ee waxay kaloo safka hore ka gashay haweenka heesaha ku luuqeeya, isla markaana heesaheeda faraha badani ay aadka dadku jecelyihiin, waxaana ka mid ah

  • Wajiyeaal Is xusuustaa
  • Heestii Iminka dhudhumiyo oo ay wada qaadeen marxuum Siciid Mire Xaydar, heestaadi oo aheyd tii uggu horeysay ee ay qaado fanaanada
  • Hablow guurku waa dane dib u soo baraaruga
  • Lama hubo hal fooftaa inay caawa soo hoyan

Video hoose daawo mid ka mid ah heesaha ay ku luuqayso Kinsi Xaaji ee aadka loo xiiseeyo.



Halkan ka daawo

Hayaan Faarax
SBC Hargeysa