Faadumo Qaasim Hilowle oo ka mid aheyd hablaha xudunta u ahaa fanka Soomaaliyeed isla markaana caanka aheyd ayaa saaka si kadis ah ugu geeriyootey magaalada London ee caasimada UK.

Geerida Faadumo Qaasim ayaa la sheegay inay aheyd mid kadis ah iyadoo wax xanuun ah aanu aheyn, waxaana la sheegay in uu wadnuhu istaagey.

Marxuumad Faadumo Qaasim Hilowle ayaa fanka Soomaaliyed ku soo dhex jirtay muddo dheer, iyadoo si weyn ugu caan baxday ku luuqeynta heesaha Banaadiriga, waxaana ay ka dhaxashay fanka Aabaheed Qaasim Hilowle oo ka mid ahaa dadkii kaalinta ka soo qaatey halgankii xornimo doonka Soomaaliyeed.

Faadumo Qaasin mudooyinkii ugu dambeeyey waxay ku nooleyd dalalka Yurub iyadoo sanadihii u dambeeyey deganeyd magaalada London.

Heesaha caanka ee ay ku luuqeysay Faadumo Qaasim waxaa ka mid ah heesta wadaniga ah ee Dalkeygow, Xabiibi, Qeys iyo Layla, Aniga Calafkey iyo kuwa kale oo aad u fara badan.

Faadumo Qaasim waxay ku dhalatey magaalada Muqdisho sanadkii 1945-kii, waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo haysa taariikhdeeda inay inoogu soo gudbiyaan E-mail-ka webmaster@allsbc.com.

Hadii aad tacsi u dirayso qoyska & ehelada Marxuum Faadumo Qaasim Hilowle ku soo qor qaybta hoose.

Link- Video-ga hoose ka daawo mid ka mid ah heesaha ugu caansan ee ay ku luuqayso Fanaanada Faadumo Qaasim.

HALKAN KA DAAWO