ALLAHA u raxmadee waxaa ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka mid ahaa duqeyda dhaqanka ee caanka ah ee Soomaaliyeed, isagoo Imaamku uu ku jirey Isbitaal maalmihii ugu dambeeyey.Marxuum Imaam Maxamuud Imaam Cumar wuxuu ahaa Imaamka Beelaha Hiraab ee Hawiye, isagoo ka mid ahaa dadka aadka xushmadka ugu dhex lahaa bulshada isla markaana hormuud u ahaa hawlo nabadeed & dib u heshiisiin dhanka dhaqanka iyo siyaasada la xiriirta.

Wariyaha SBC ee magaalada Nairobi ayaa soo sheegaya in Imaam Maxamuud uu ku geeriyoodey Isbitaalka Nairobi Hospital.

SBC News Desk