Rupert Murdoch oo ah milyineer u dhashay wadanka Mareykanka balse horey u haystey dhalashada Australia isla markaana ah mulkiilaha shirkada caanka ah ee News Cooperation oo iska leh in ka badan 100 xaruumood oo warbaahineed oo ka kooban Telefishino, Raadiyeyaal, Wargeysyo & baro Internet ayaa maanta fadeexad aad u weyn waxay ka qabsatey gudaha xarunta Baarlamanka wadanka UK, isgaoo xiligaasi su’aalo ay waydiinayeen gudiga warfaafinta, dhaqanka & ciyaaraha ee Baarlamanka, isagoo la waydiiyey fadeexada dhageysiga taleefoonada ee uu ku kacay wargeyska albabaada la isagu dhuftey ee News of The World oo uu Murdoch leeyahay.

Rupert Murdoch oo 80 sano jir ah ayaa isagoo su’aalo ay wadyiinayaan gudiga Baarlamanka UK waxaa soo galey qolkii nin isagoo saxan ku sita cream-ka garka lagu xiirto wuxuuna ku sayray Mordouch, waxaana halkaasi ka dhacay buuq iyadoo xaaska Murdoch ay dharbaaxo kaga soo qaaday ninkii soo weeararey saygeeda da’da ah balse dunida ku leh saameynta aadka u weyn.
Ninka weeraray  Murdoch ayaa lagu magacaabaa Jonnie Marbles waa nin jilaa ah oo dadka ka qosoliya waxaana mudooyinkan uu wadey olole balaaran oo ka dhan ah hay’ado & shirkado fadhigoodu yahay wadanka UK, waxaana dhawr jeer uu ka qayb qaatey cabashooyin isu soo bax oo ka dhacay garoomada Heathrow & London City Airport.

Booliiska ayaa durbaba ku soo booday Jonnie Marbles iyagoo jeebooyin ku boobay waxaana la sheegay in lagu soo oogi doono dacwado la xiriira weerar & in uu ka geystey fal aan habooneyn aqalka baarlamanka UK.
Rupert Murdoch oo ah wuxuu saameyn aad u weyn ku leeyahay siyaasada & siyaasiyiinta wadamada Mareykanka, UK & Australia, waxaana qalabkiisa warbaahinta & kuwa saamiga ku leeyahay ay keentey in uu ku yeesho lug weyn & saameyn siyaasada wadamadaasi, ilaa ay gaarto in cid kasta oo loolan doorasho galaysa ay garab waydiisato Murdouch.

Dalka UK waxaa ka mid ah xarumaha warbaahineed ee uu leeyahay wargeysyada caanka The Sun, News of the World oo la xiray, Sunday Times, The Times, wuxuu ku leeyahay saami weyn shirkada British Sky Broadcasting BSKYB oo shirkada maamusha Telefishinada SKY News & SKY Sports, waxaa kale oo uu leeyahay in ka badan 20 wargeys oo ka soo baxa wadanka Australia, tiro wargeysyo ah oo ka baxa Canada, hay’ado warbaahineed oo ka dhisan Yurub & Hindiya, dalka Mareykanka wuxuu leeyahay Telefishinka caanka ah ee Fox, wadamada Jarmalka, Spain & Talyaaniga wuxuu leeyahay Telefishinada SKY ee wararka & ciyaaraha.

Wargeyska Forbes wuxuu ku tilmaamay Robert Murdoch in uu yahay qofka 13-aad ee dunida ugu saameynta ama awooda badan, taasi oo loo eegay dhaqaalaha ay sameyeen hay’adaha uu leeyahay & waliba kaalinta uu ku leeyahay dhanka awooda siyaasada.

Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah ee uu sameeyey ninkaasi in uu qaatey sanadkii 1985-tii dhalashada wadanka Mareykanka si uu yeesho xarun warbaahineed oo saldhigeedu yahay Mareykanka, maadama qofka hay’ad warbaahineed oo caalami ah ka aasaasya wadanka Mareykanka ay tahay inuu haysto dhalashada Mareykanka, waxaana markii uu qaatey dhalshada Mareykanka uu durbadiiba lumiyey dhalashadiisii Australia.

Hadaba ninkaasi saameynta weyn leh maanta wuxuu sheegay in aheyd maalintii ugu xumeyd nolashiisa, waxaana soo wajahadey fadeexad aad u weyn.

Si aan lagaaga sheekeyn fadeexadii Murdoch qabsatey link-ga Video hoose ka daawo.

Halkan ka daawo

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com