Beesha Muuse Salebaan oo Soosaartay Baaq ay Kaga Cabanayso Xeerka Golyaasha Deegaanka oo Dhawaan Golaha Wasiirada Puntland an sixiyeen
Baaqan ayay beesha Muuse Saleebaan kaga Cabanayaan Xeer dhowaan ay gudiga doorashooyinka Puntland ka ansixiyeen golaha wasiirada Dowlada Puntland oo ku aadanaa Xeerka furashada Xisbiyada
1. Golaha wakiilada Puntalnd waxaan halkan ugu soo gud bineynaa baaqan aan kaga cabanayno in sharciga dalka loo adeegsado sida uu jecelyahay ninka gacanta ku haya ,taas oo macneheedu yahay in lagu tunto xuquuqda Dadka muwaadiniinta ah iyadoo la fulinanaayo dano qof iyo mid Qabiil.
2. Waxaa Beelaha baaqan soo saaartay cabasho ka soo jeedinayaan dhammaan Degmooyinka Puntland ee laga tegey ee aan kor ku soo sheegnay kuwaas oo loo diidanyahay iney helaan xuquuqdooda dastuuriga ah,ha ahaadeen kuwii dawladdii dhexe ee soomaaliya magcawday,ama kuwa ay puntland magcawday,kuna shaqeeyey maamul Degmo sida Degmada Carmo iwm,islamarkaasna mutaystay in Doorasho laga sameeyo.
3. Waxaan u soo jeedineyneynaa golaha wakiilada puntland in ay iyagu dadka wakiil u yihiin ayna difaacaan cidda xuquuqdeeda la duud siyayo.
4. Waxaan xaq dhawreynaa xilka aad u haysaan ummada iyo xeerarka dalka,waxaana idinka rajeyneynaa tallaabo raali gelisa Bulshada Puntland dhammaanteed,gaar ahaan Demooyinka iyo Beelaha Baaqa cabashada ah soo gudbiyey.
5. Waxaan rajeyneynaa inaad cabbirikartaan cawaaqibka ka imaankara bulsho la caburiyo,iyadoo laga dheehankaro Baraarugga maantay ka socda caalamka hereerteena deggan.
6. Waxaan uga digeynaa Golaha Baarlamaanka Puntland in eysan sabab u noqon kala goa Dunta tabarta daran ee isu haysa Puntland,gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool,kuwaas oo waayadan dambe lagu xamanayo inay noqdeen kuwo u adeega cid gaar ah amase fushada Dano gaar ah.
7. Waxaa muuqda in aysan hirgeli doonin hawsha xisbiyada badan iyo doorashooyinka Dawladaha hoose haddii aan la helin hoggaan lagu kalsoonyahay iyagoo madaxda hadda hawsha loo diray aanay ehel u ahayn,aanna lagu aamini Karin iney maamulaan masiir ummadda u dhexeeya,waana riyo khiyaali in lagu hammiyo iney hawsha siiwadaan haddii la doonayo in wax ka qabsoomaan.
8. Beelaha Baaqan wadajirka u qoray waxay halkan si wadajir ah ugu caddaynayaan inaanay doorashooyin ka dhici doonin degaanada ay ku noolyihiin iyo inta la aragti ah haddii aan wax laga beddlin sida hadda wax
Beesha Muusa Saleebaan waxay Taageerayaan Baaqa Beelaja Kale dareenookda ku aadan Arintaas waxa ay u arkaan waxa ay Kaga Hadleen Sidatan .
Odayaasha Baaqan Soosaaray Waxa Ay Kalayihiin
1.Nabadoon Maxamad Maax Colow Faahiye
2.Nabdoon Siciid Nuur Muuse
3.Nabadoon Jaamac Maxamuud Guleed
4.Nabadoon Siciid Cumar Dhagaweyne
5.Nabdoon Maxmad Aadan Ciise
6.Nabadoon Yuusuf Cali Muuse
7.Nabadoon Muuse Maxamuud Cabdi
8.Nabadoon Axmad Xaaji Xasan Axmad .
9.Nabadoon Carfaan Muuse Madobe.
10.Nabadoon Cumar Siiciid Cismaan
Dhamaan Waxgaradka Beesha Muuse Saleebaan ayaa Hoosta Ka Xariiqay in aysan ahayn arinkan Mid Uqalma Beeshuna ayasan Qaadan Doonin .
Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaso