Warbahinta Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in la helay meydka shaqale shiineys ah oo ka shaqeynayay Dalka Suudaan kaasi oo la waayay dib markii weerar lagu soo qaaday Xero ku taalada wadankaas oo uu ka shaqeynayay.

Meydka Ninka Shiinaha u dhashay ee la helay ayaa waxaa uu ka mid ahaa 18 qof oo shaqaale ka ahaa gobolka KORDOFAN ee Suudaan kuwaasi oo deegaanka ay ka shaqeynayeen ka cararay ka dib markii deegaanka ay weerar ku soo qaadeen Jabhada (SPLM-N) 17 ka mid ah asxaabtiisa ayaa la badbaadiyay waxaana isaga la helay meydkiisa.

Dowlada Suudaan si rasmi ah u sheegin Magaca Ninka Meydkiisa la helay waxaase kaliya la shaaciyay in la rumeysan yahay inuu ku dhaawacmay Weerrkii dhacay Bishii tagtay 28-keedi .

Dhinaca kale wararka laga helayo Wadanka Suudaan ayaa ku waramaya in hayada Laanqeyrta Cas ay wado dadaal wadahadal ah oo ay dooneyso in lagu siidaayo 29 shaqaale ah oo ay afduub u haystaan kooxda hubeysan ee (SPLM-N)

Koonfurta KORDOFAN waxaa ay ka mid tahay deegaano sadex ah oo ay xaalad qalafsan ka taagan tahay tan iyo intii ay gobolada Koonfureed xoriyadooda ka qaadeen Suudaan inteeda kale Bishii July ee sannadkii tagey.

Khaalid Maxamuud C/raxmaan
SBC International Monitoring