Waxaa Saaka Aroortii laga helay Xaafada Buulo Mingis ee duleedka Bari ee Magaalada Boosaaso Qof Meyd ah oo laga Jaray Qoorta Gacmaha iyo Lugaha kaasi oo lagu Qariyay Dhisme Qabyo ah oo ku yaala Xaafadaas.

Taliyaha Saldhiga Mijir ee Boosaaso Dhame Xamuud Salaad Cismaan ayaa warbaahinta SBC International u sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninkii falkan geystay islamrkaasina Qiraal ku ah inuu Falkan ka danbeeyay.

Dhame Xaamuud ayaa Sheegay in Labada Nin ay ahaayeen Dadka shaqeeya Ka ganacsiga Mukhaadaradka Qamriga ka dibna uu Falka Dilka u geystay Ninkani Xilli Habeen ah iskaga oo sheegay in sababta uu u jarjarayna ay tahay Inuu qariyo Meydka Ninka uu Dilay.

Ninka Meydka ah ee Maanta laga soo helay Xaafada Buulo Mingis ee Duleedka Bari ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa laga jiray Qoorta Lugaha iyo Gacmaha iyadoo Qeyb ka mid ah jirkiisana uu ku riday Ninka Dilka geystay Musqul taasi oo haatan laga soo saaray Labadii Gacmood iyo Lugihii ninkan oo laga jiray dhinaca Sinta.

Dad badan oo saaka Tagay goobta uu falkan dilka ah ka dhacay ayaan garanin ninka La dilay welina lama helin Ehelkiisa waxaana saraakiisha Ciidanku sheegeen Inay wataan Baaritaanka kale oo la xiriira waxa ku kalifay Falkan Dilka ah ninkani.

Dhacdada Dilkan Aragagaxa Leh ee Maanta ka dhacday Boosaaso ayaa dad badan ku tilmaameen in Falka noocani ah uu yahay mid ku cusub Shacabka Reer Puntland.

Sawiro
FG:Sawiradan Waa sawiro naxdinleh fadlan haddii aadan Awoodin in aad daawato Hadaawan,, Inkastoo aan yara qarinay.


SBC International Monitoring