Waxaa goordhoweyd soo caga dhigatay Garooka Diyaaarada ee Degmada Qardho Diyaaradii Siday AHN Meydka Boqor C/laahi Boqor Muuse iyadoo ay la socdeen Siyaasiyiin iyo Waxgarad iyo Dadyow kale waxaana Wefdiga la socday Meydka Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse Siyaasi Cali Cabdi Awaare iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka.

Magaalada Qardho oo ay maalmihii ugu danbeyay waxaa ka socday qabanqaabada Aaska AHN Boqor C/laahi Boqor Muuse Iyadoo ay soo gaaareen Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Deegaanada Soomaaliya Sida Masuliyiinta ugu sareysa Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne C/raxmaan Faroole Maamulka Dowlad Deegaaanka Ethiopia iyo Cuqaal iyo Waxgarad Aad u badan oo ka yimid guud ahaan Dhulka Dadka Soomaalida.

Aaska ayaa lagu wadaa inuu dhaco Daqiiqado ka dib Waxaana Kumaanaan dad ah ay ku sugan yihiin Qabuuraha Aaska iyadoo siweyn loo sugay Amaanka guud ee Magaalada Qardho oo uu manta kacayo Aaska AHN Boqor C/laahi Boqor Muuse

SBC International Qardho