Ciyaaryahanka Lionel Messi ayaa ku biiray laacibiinta taariikhda ka galay kooxda Barcelona ka dib markii sadexdii gool ay Sabtidii ku badisey uu dhaliyey laba ka mid ah.

Messi ayaa dhaliyey goolashiisii 195 & 196 waxaana uu noqdey ciyaaryahanka labaad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda Barcelona isagoo uu ka horeeyo oo kaliya laacibkii reer Spain Cesar Rodriguez oo Barcelona u saxiixay 235 gool.

Weeraryahn Messi wuxuu goolkiisii 15-aad ee xili ciyaareedkan ku hubsadey shabaqa kooxda Racing Santander oo ilaa iyo haatan aan guul ka gaarin horyaalka sanadkan, iyadoo goolkaasi uu labeeyey kubad qaabeeyaha khadka dhexe Xavi halka uu sadexeeyey Lionel Messi.

Inkastoo guushaasi ay Barcelona ay u suurtagalisay inay hogaanka xaqiijisato hadana waxay isku dhibco yihiin oo ay hogaanka isku haystaan kooxda Levante oo Malaga ku soo garaacdey 3 gool, balse farqi dhanka goolasha ayay ku sareysaa Barcelona.

Goolasha Barcelona

Messi (Daqiiqadii 15 & 68-aad)
Xavi    (daqiiqadii 28-aad)

Garoonka lagu ciyaarayey ee Nou Cam ee Barcelona waxaa soo xaadiray 70072 qof.

Gonzalo Higuain oo sadexley kale Real Madrid ku riixay kaalinta sadexaad ee La Liga Spain

Xidiga reer Argantine & kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain sadexley uu ku dhaliyey Estadio Santiago Bernabéu ee Madrid waxay u xaqiijisay macalin Jose Mourinho 16 dhibcood oo nadiif oo ay hal dhibic kaga hooseeyso Barcelona & Levante.

Sadexleyda oo uu dhaliyey Higuain ayaa ah tiisii labaad ee laba todobaad gudahood uu dhaliyo isagoo kulankii qarankiisu uu la yeeshay wadanka Chili ka xareeyey sadexley.

Higuain ayaa daaha ka rogey goolasha 4-ta ee ay Real Madrid kaga badisey kooxda  Real Betis oo bishii aynu ka soo gudubney ee September u dabaaldegtey 107 sano jirkeeda.

 Real Betis oo ka dhisan magaalada Seville waxaa goolka labaad ka dhaliyey weeraryahanka reer Brazil Kaka, halka uu sadexeeyey afareeyeyna Higuain.

Laakiin Real Betis gool la’aan kagama tagin Bernabéu oo waxaa goolka madiga ah u saxiixay Jorge Molina oo lambarka 19-aad u xirta Betis sanadkii la soo dhaafayna u dhaliyey 18 gool.

Goolasha Real Madrid
Higuain (Daqiiqadihi 46-aad, 70-aad, 73-aad)
Kaka (Daqiiqadii 59-aad)

Goolka Real Betis
Molina (Daqiiqadii 69-aad)

Garoonka lagu ciyaareyey ee Estadio Santiago Bernabéu waxaa soo xaadiray 72 kun oo daawadayaal ah.

Kulamada kale ee La Liga ah Sabti & Axad

Sevilla FC 2-1 Sporting Gijón
Levante 3 – 0 Málaga CF
Real Zaragoza 2 – 0R eal Sociedad
Rayo Vallecano 0 – 1 Espanyol
Granada CF 0 – 0 Atlético Madrid
Getafe CF 0 – 0 Villarreal CF
 Mallorca1 – 1 Valencia CF

Gooldhalinta 
Messi  10 gool
Higuain  8 Gool
Ronalado 7 

Kala horeynta kooxaha Horyaalka Spain La Liga

1

Barcelona

7

17

2

Levante UD

7

17

3

Real Madrid

7

16

4

Sevilla

7

15

5

Valencia

7

14

6

Málaga

7

13

7

Betis

7

12

8

Atlético de Madrid

7

9

9

Zaragoza

7

9

10

Espanyol

7

9

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com