Xidiga kubada cagta wadanka Argentine & kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa noqdey ciyaaryahanka ugu horeeya ee dunida ugu dakhliga badan taasi oo loo eegay mushaarkiisa, xayeysiisyada abaalmarinada & biladaha la siiyey, waxaana uu dhaafey ciyaaryahanada David Beckham & Cristiano Ronaldo  oo u kala dhashay wadamada Ingiriiska & Portugal.

Lionel Messi (Barcelona)

Messi oo sadex jeer noqdey ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida ayaa la xaqiijiyey in uu haatan noqdey ciyaaryahanka ugu qanisan aduunka kaasi oo sanadkii ay soo gasho aduun lacageed oo gaaraysa 33 milyan oo Euro ama 43 milyan doolar, taasi oo ah mushaaraadka uu ka qaato Barcelona, gunnada iyo xayeysiismaha uu u sameeyo shirkadaha Adidas & Pepsi.

Lionel Messi ayaa kooxda Barcelona wuxuu uga qaataa 20 milyan oo doolar mushaaraad, gunno iyo xayeysiismo.

Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

Wargeys ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa maanta oo talaaado ah soo bandigay liiska ciyaartoyda ugu qanisan aduunka iyadoo Messi uu ka hormarey ama uu kala wareegay hogaanka liiska ciyaartoyda ugu lacagta badan captain-kii hore ee xulka qaranka Ingiriiska haatanna u ciyaara kooxda LA Galaxy  ee Mareykanka ka dhisan David Beckham kaasi ay jeebkiisa ku soo dhacdo lacag gaaraysa 41 milyan oo doolar, waxaana kaalinta sadexaad soo galey Cristiano Ronaldo oo ay u soo xarooto qarasha gaaraya 38 milyan oo doolar.

Liiskan ciyaaryahanada xiligan ugu dakhliga badan ayaa kala ah.

Lionel Messi (Barcelona)     43 milyan oo doolar sanadkii

David Beckham (LA Galaxy) 41 milyan oo doolar sanadkii

Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 38 milyan oo doolar

Samuel Eto’o (Anzhi) 30.8 milyan oo doolar sanadkii

Wayne Rooney (Man United) 27.3 Milyan oo doolar sanadkii

Sergio Aguero (Man City) 24.9 milyan oo doolar sanadkii

Yaya Toure (Man City)  23.3 oo milyan doolar

Fernando Torres (Chelsea) 22 milyan oo doolar

Kaka (Real Madrid) 20.4 milyan oo doolar sanadkii

David Beckham (LA Galaxy)

Philipp Lahm (Bayern Munich) 18.9 milyan oo doolar sanadkii

Dhinaca tababarayaasha Jose Mourinho oo ah tababaraha Real Madrid ayaa noqdey tababaraha ugu horeeya ee ay soo gasho lacagta badan sanadkii isagoo ay u soo xarooto aduun lacageed oo gaaraysa 19.5 milyan oo doolar.

Tababaraha kooxda reer France ee Paris St Germain Carlo Ancelotti ayaa isaguna hela 17.4 milyan oo doolar halka tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola uu noqday tababaraha sadexaad ee ugu dakhliga badan sanadkiina ay u soo xarooto 12.5 milyan.

C/fataax Mowliid Xaaji
fatahhaji@hotmail.com