Muqdisho: Wararka ka Imaanaya Magaalada muqdisho Ayaa waxaa ay Sheegayaan in saaka maydka Ilmo yar lagu Arkay Xeebta Liido Ee Magaalada muqdisho ,sida uu saxaafada U xaqiijiyay Gudoomiyaha maamulka Degmada Shangaani.

Ibraahim Mukhtaar Babaay oo ah gudoomiyaha degmada Shangaani ayaa saaka warbaahinta u sheegay in meydka wiilka yar ay soo arkeen dad tegey xeebta Liido oo ka tirsan Shangaani kadibna ay soo qaadeen ciidanka boliiska ee degmada.

 Wuxuu intaa ku daray in meydka wiilka yar uusan qabin wax dhibaato ah hase yeeshee uu u malaynayo in isagoo nool badda lagu tuurey kadibna uu biyaha ku geeriyooday,Iyadoo Goobtii Uu yeelay Ay Isku Yimaadeen dadweyne Aad U farabdan.

Magaalada muqdisho Ayaa waxaa caado Ka ah Marka laga soo gudbo dadka Ku Dhimanaya dagaalada Magaalada ka Socda Hadana In Magaalada maalinwalba la soo Dhigo maydad Aan la Aqoon Cida Dishay iyo sababta loo dilay intuba taas oo walac Hor Leh Ku Abuurtay dadka reer Muqdisho.

C/risaaq Cismaan Axmed
SBC International Muqdisho