Abuja:-Maxkamadeynta 4 askari oo boolis ah oo lala xiriirinayo dilkii hogaamiyihii Boko Xaraam Maxed Yuusuf sanaddii 2009 ayaa maalintii shaley ka bilaabatay caasimadda Nigeria ee Abuja.

Qareeno ka tirsan Maxkamada ayaa sheegay in si toos ah ay u bilaabatay maxkamadeynta 4 ruux iyadoo si aad ah loo ilaalinayo amaanka maxakamadda.

Hogaamiyihii Boko Xaraam oo laga soo qabtay magaalada Midoguuri ee gobolka Buurnuu ayaa lagu qasbay in uu lugeeyo wadooyinka magaalada kadibna waxaa la soo bandhigay isagoo booliska ay xabada ku furayaan kadibna dhulka lagu jiidayo meydkiisa.

Maxkamadeenta ayaa bilaabatay mar sii horeysay sanadkan balse fadhiyada maxkamadda ayaa ahaa kuwa si qarsoodi ah loo qabanayey.

Waxaa kordhay weerarada loo geysanaya xarumaha booliska kadib dilkii Yuusuf , waxaana la’aaminsan yahay in kooxda Boko Xaraam ay ka dambeyso weeraradaas.

Maxkamadda ayaa dib loo dhigay toddobaadka soo socda iyadoo la filayo in askari shanaad la soo taagi doono maxkamadda islamarkaana la aqrin doono eedeemaha si rasmi ah.

Ciidanka amaanka ayaa si aad ah u caburyey kacdoon ay horseed ka ahayd kooxda Boko Xaraam islamrkaana waxaa la burburiyey saldhigii kooxda waxaana la soo qabtay hogaamiyahoodi Maxed Yuusuf.

Kooxda Boko Xaraam ayaa dib u bilowday howlgaladeedii bishii September sanadkii la soo dhaafay , waxayna balan qaaday in ay u aargudi doonto hogaamiyahoodii.

Magaca dhabta ah ee kooxda ayaa ah Jamaacatu Ahlu Sunnah Lil dacwah wal Jihaad, waxaana la’aasaay sanaddii 2002, dadka deegaanka ayaa u bixiyey magaca Boko Xaraam oo macnihiisu yahay “ waxbarashada galbeedka waa Xaraam”.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring